Connect with us

somalilandtoday.com

“Si Khalad Ah Ayaa Qadar Lagu Siiyay Marti-Gelinta Koobka Adduuka…” Guddoomiyihi Hore Ee FIFA

focus

“Si Khalad Ah Ayaa Qadar Lagu Siiyay Marti-Gelinta Koobka Adduuka…” Guddoomiyihi Hore Ee FIFA

“Si Khalad Ah Ayaa Qadar Lagu Siiyay Marti-Gelinta Koobka Adduuka…” Guddoomiyihi Hore Ee FIFA

Sepp Blatter, oo ahaa guddoomiyihi hore ee FIFA markii Qadar la guddoonsiiyay xuquuqda martigelinta Koobka Adduunka 2022 sanadkii 2010, ayaa u sheegay wargeyska Swiss Tages Anzeiger “in si khalad ah Qadar loogu amaal mariyay koobkan,” isagoo raaciyay in “doorashaadsi aheyd mid aan habbooneyn”

Go’aanka Qatar ayaa tan iyo markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay waxaa hareeyay khilaafyo ay ka mid yihiin musuq maasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Blatter oo FIFA hogaaminayay muddo 17 sanno ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay musuq maasuq intii uu xilka hayay. Waxaase lagu waayay wax isdabamarin ah maxkamad ku taal Switzerland bishii June. laakiin dacwad oogayaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunka.

“Waa wadan aad u yar” ayuu yidhi Blatter oo ka hadlayay Qatar oo ah dalkii ugu horeeyay ee Bariga Dhexe ku yaal ee martigeliyay tartanka, “Kubadda Cagta iyo Koobka Adduunka ayaa ah mid aad u weyn”. ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in 2012 FIFA ay dib u eegis ku samaysay shuruudihii ay kusoo xuli jirtay wadamada marti-galinaya, iyada oo la eegayo walaaca laga qabo xaaladaha shaqada ee goobaha dhismaha ee xidhiidhka la leh ciyaaraha Qatar.

Blatter ayaa sheegay in tartanka oo bilaabanaya wax ka yar laba todobaad uu ka daawan doono gurigiisa oo ku yaala Zurich.

Reuters.

More in focus

To Top