Connect with us

somalilandtoday.com

Maxay Tahay Barta Mastodon Ee Ay Ku Yaaceen Dadka Ka Soo Jabay Twitter?

focus

Maxay Tahay Barta Mastodon Ee Ay Ku Yaaceen Dadka Ka Soo Jabay Twitter?

Maxay Tahay Barta Mastodon Ee Ay Ku Yaaceen Dadka Ka Soo Jabay Twitter?

Markii uu maalqabeen Elon Musk la wareegay Twitter, dad badan oo ku xidhnaa bartaas ayaa billaabay inay raadsadaan meel kale, waxaana soo caan baxday barta Mastodon. Hadda maxay tahay bartan?

Bartan oo ah mid ay bulshadu ku wada xidhiidho oo la sameeyay lix sanno ka hor, ayaa sheegtay inay ku xidhan yihiin 655,000 oo cinwaan, oo 230,000 kamid ah ay ku soo biireen todobaadkii tegay.

Muuqaalka sare waxa ay uga egtahay Twitter. Qoraalkeeda waxaa loo yaqaan toots, waana mid ay dadka kale ka jawaabi karaan oo ay like saari karaan. Hase yeeshee Mastodon waxay u shaqeysaa si ka duwan Twitter.

Qaabka ay u shaqeyso

Marka ayaa cinwaan cusub ka furato Mastodon, waa in aad doorato server. Waa ay kala duwan yihiin noocyada server-rada, waxaadna ka dooran kartaa dalkaaga, magaalada aad u nooshahay iyo waxa aad jeceshahay.

Midka aad doorato kaama reebayo in aad la saaxiibto oo aad hesho xogta dadka doortay server-rada kale, hase yeeshee kan aad ku xidhan tahay ayaad ka helaysaa macluumaadka ugu badan.

Sababta ay server-rada u kala duwan yihiin ayaa lagu sheegay in Mastodon ay tahay shirkado isku tegay oo ay leeyihiin shakhsiyaad kala duwan.

Si ka duwan Twitter, Mastodon qofka uma tilmaanto cinwaannada uu raaci karo.

Waxaa walaac laga muujiyay in qeybo kamid ah Mastodon aanay lahayn shuruuc xakameysa qoraallada iyo muuqaallada xanafta leh, sida kuwa xambaarsan naceybka.

Bartan cusub ayaa isticmeelkeedu yahay lacag la’aan, mana laha wax xayaysiin ah.

More in focus

To Top