Connect with us

somalilandtoday.com

Canada Oo Ku Dhawaaqday Inay Qaadanayso Dad Gaadhaya Nus Milyan Qof Oo Soo Galooti Ah

focus

Canada Oo Ku Dhawaaqday Inay Qaadanayso Dad Gaadhaya Nus Milyan Qof Oo Soo Galooti Ah

Canada Oo Ku Dhawaaqday Inay Qaadanayso Dad Gaadhaya Nus Milyan Qof Oo Soo Galooti Ah

Dawladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay sannad walba qaadanayso dad gaadhaya nus Milyan qof oo soo galooti ah, ilaa inta laga gaadhayo 2025ka.

Wasiirka Socdaalka ee Kanada Sean Fraser ayaa sheegay in uu dalkiisu wajahayo shaqaale la’aantii ugu badnayd. Taa darteedna ay dawladdu diyaarisay qorshe sannad walba lagu qaabilayo dad tiradoodu dhan tahay 500, 000 oo ruux. Kuwaas oo heli doona degannaansho iyo qaabilaad sare.

Wershadaha dalkaas ku yaalla ayaa ka cabanaya shaqaale la’aan xadhkaha goosatay, iyada oo dalka ay ka taagan tahay baahi shaqaale oo gaadhaysa 1 Milyan oo shaqo.

Kanada ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ka jiraan furdasaha shaqo, isla markaana ay nolol wanaagsan ka helaan dadka Qaxoontiga ah ee shaqo raadiska ah.

More in focus

To Top