Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Wakiilada Somaliland oo joojiyay wada shaqayntii kala dhaxaysay Wasiirka Arimaha Gudaha.

focus

Golaha Wakiilada Somaliland oo joojiyay wada shaqayntii kala dhaxaysay Wasiirka Arimaha Gudaha.

Golaha Wakiilada Somaliland oo joojiyay wada shaqayntii kala dhaxaysay Wasiirka Arimaha Gudaha.

Godoomiyaha gudi hoosaadka arimaha gudaha, difaaca iyo amniga ee golaha Wakiilada Somaliland Axmednuur guruuje ayaa sheegay in ay joojiyeen wadashaynti ay la lahaayeen Wasiirka wasaarada arimaha guda Maxamed Kaahin Axmed, kadib markii ay ka waayeen wada shaqayn sidoo kalena uu ku sameeyay hor istaaga.

Gudoomiye Axmednuur guruuje waxa kale oo Wasiir Kaahin uu ku eedeyay in uu ku kacay sharci jabin, kadib markii uu jaray balankii yeedhmada ee goluhu la laha, waxna kaga waydiin lahaa hawlaha qaranka uu u hayo, sido kalena dhawr jeer oo hore balamo ay u qabteen uu ka cudur daartay yaguna ay aqbaleen.

Xildhibaan Guruuje waxa uu intaasi kusii daray in arinka wasiirka ay u gudbinayaan shirgudoonka si wax looga qabto sharci jabinta uu ku kacay Wasiirku ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay xildhibaanku.

More in focus

To Top