Connect with us

somalilandtoday.com

Wariye caanka ka ahaa dalka Pakistan oo toogasho lagu dilay, magaalada Nairobi

focus

Wariye caanka ka ahaa dalka Pakistan oo toogasho lagu dilay, magaalada Nairobi

Wariye caanka ka ahaa dalka Pakistan oo toogasho lagu dilay, magaalada Nairobi

Weriye caana ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa toogasho lagu dilay gudaha dalka Kenya, waxaa sidaas maanta sheegtay xaaskiisa, bilo un kadib markii uu kasoo cararay dalkiisa si uu uga baxsado in loo xidho eedeymo la xidhiidha rabsho kicin.

Arshad Sharif ayaa si joogto ah u dhalleeceyn jiray militariga awoodda badan ee Pakistan, wuxuuna taageero u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, kaasi oo bishii April uu kalsoonida kala noqday baarlamanka.

“Waxaan maanta waayey saaxib, sey, iyo suxufigii aan ugu jeclaa, sida ay booliska sheegeen waxaa lagu toogtay Kenya,” waxaa sidaas twitter-ka ku qortay xaaskiisa Javeria Siddique.

Booliska Kenya ayaa sheegay in la rasaaseeyey gaadhiga uu saarnaa Arshad kadib markii uu ku guuldarreystay inuu joogsado bar konotorool, meel u dhow magaalada Nairobi. Booliska ayaa sheegay inay baadhayaan dhacdadan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top