Connect with us

somalilandtoday.com

Shirweynaha beesha Garxajis ee maanta Burco ka furmi doona maxaa laga filayaa??

focus

Shirweynaha beesha Garxajis ee maanta Burco ka furmi doona maxaa laga filayaa??

Shirweynaha beesha Garxajis ee maanta Burco ka furmi doona maxaa laga filayaa??

Shirweynaha beesha Garxajis ee Burco ka furmi doona berrito 25/10/2022, waxa laga filayaa arrimahan:

  1. In xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, runta loo sheego, la dareensiinyo in ay shacabku leeyihiin doonis iyo aragti ay danaha dawladnimo ku waardiyeyn karaan, haddii ay u muuqato in ay majarihii wadajirka ka leexato.
  2. In madaxweynaha loo muujiyo doonista bulshada, oo ah mar haddii uu sidii lagu heshiiyey ku qaban waayay doorashadii, in uu ku qabto sida ay komiishanka doorashooyinku soo jeediyeen oo ah in uu 9 bilood gudahood ku qabto doorashada madaxweynaha.
  3. In uu sidoo kale aqbalo in la isku sitko labada doorasho, ta madaxweynaha iyo ta ururada, muddadaasna la diyaariyo xeerarka doorasho ee ururada, oo ay golaha wakiilladu soo dhammaystiraan.
  4. In haddii uu madaxweynuhu aqbali waayo soo jeedinnadaas loo gudbi doono shirweyne qaran oo ay dhammaan beelaha soomaaliland ku arrinsanayaan, baaq arrintaa ku saabsanna waa loo diri doonaa beelaha Soomaaliland oo dhan.
  5. Waxa madaxweynaha loogu baaqi doonaa in uu fuliyo ballantisii ahayd waddada Hargeysa-Oodweyne – Burco.

Shirweynaha beesha Garxajis ee Burco:

  1. Laga fili maayo kala fogeynta bulshada.
  2. Lagana fili maayo wax amniga iyo wadajirka shacabka dhaawaca.
  3. Lagama filayo shirweynaha Garxajis, in ay qaataan go’aan qadhaadh oo odhanaya 13/11 wixii ka danbeeya la shaqayn maynno xukuumadda.
  4. Sida aan looga filayn wax kasta oo xasilloonida, wadajirka iyo qarrannimada dhantaalaya.

Xukuumadda waxa laga filayaa in aanay shirka carqaladaynnin, amniga shirweynaha sugto, natiijada wanaagsan ee laga filayana si wanaagsan u soo dhoweyso, talooyinka maangalka ah ee maslaxadda dalku ku jirtana aqbasho, xasaasiyaddana iska khafiifiso.

Dhiillo ma jirto, waa xisaabtan iyo talo.

Shirka kuma jiro, waxtar mooyee dhibna uma arko, bushaaraysta oo hays belaynnina.

Waxa qoray Dr. Abdiqani Hussein Beder

More in focus

To Top