Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland: Walaac Ka Taagan Soo-galootiga Dalka Ku Soo Qulqulaya Maalinba Maalinta Ka Dambaysa, Kuwaasi Oo Aan Lahayn Sharci Lagu Maamulo Iyo Diiwaan Galin Toona

focus

Somaliland: Walaac Ka Taagan Soo-galootiga Dalka Ku Soo Qulqulaya Maalinba Maalinta Ka Dambaysa, Kuwaasi Oo Aan Lahayn Sharci Lagu Maamulo Iyo Diiwaan Galin Toona

Somaliland: Walaac Ka Taagan Soo-galootiga Dalka Ku Soo Qulqulaya Maalinba Maalinta Ka Dambaysa, Kuwaasi Oo Aan Lahayn Sharci Lagu Maamulo Iyo Diiwaan Galin Toona

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in qaxootiga ku nool Somaliland aanay haba yaraatee lahayn wax sharci ah oo lagu maamulo sidoo kale aanay lahayn sharci ay dalka ku joogaan sidaa darteed loo baahan yahay in si degdeg ah looga hawl galo sidii qaxootiga dalka ku sugan loogu samayn lahaa xeer ay dalka ku joogaan sidoo kalena loo diiwaan galin lahaa oo loo sugu lahaa tiradooda rasmiga ah.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sidan ka sheegay mar shalay Xildhibaannada Golaha Guurtida loo qaybiyey xeerka Barakacayaasha iyo Magan-galyo doonka ah isaga oo Guddomiyuhu Golaha ka codsaday in si degdeg ah xeerkaasi loo gudo galo oo wax looga qabto si ugu yaraan bal wax sharci ah loogu helo Barakacayaaasha iyo Magangalyo doonka. Guddoomiye Saleebaan oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Xeerkaasina waa la qaybinayaaye barbar erya. Waa xeerkii Qaxoontiga.
Qaxootiga maanta innala jooga ee intaasi le’eg waxa lagu leeyahay maba diiwaan gashana. Sharci lagu maamulaana ma jiro. Sharcigii baa la innaga rabaa. Waanaynu dedejin haddii Alle yidhaahdo. Bal in calal aqal la innaga xereeyo oo adduunkaa wax looga doono”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Somaliland ayaa tan iyo intii ay xornimadeeda la soo noqotay sannadkii 1991-kii aan mar kali samaysan wax xeer ah oo lagu maamulo Qaxoontiga iyo dadka Magangalyo doonka ah ee dalka usoo haajira kuwaasi oo si xidhiidh ah muddoda intaasi le’egba ugu soo qulqulayay Somaliland tan iyo sannadkii 1991-kii.

Dadka soo galootiga ah ayaa Iyana Somaliland sannad walba soo buux dhaafinayay illaa heer ay maanta soo gaadheen in culayskoodu saamayn weyn ku yeeshay qaranka gaar ahaan dadka soo galootiga ah ee ka soo jeeda qawmiyadda Oromada oo ku dhawaad dhawr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyey aan mar kali ah kala go’in. Ubadkii ay dalka ku dhaleenna ay ubad kale sii dhaleen walina aanay Somaliland lahayn wax xakameeya oo sharci ah oo ay ku maamusho iyo sidoo kale siyaasad ku aaddan hannaanka loola tacaamulayo dadkaasi soo buux dhaafiyey.

Ma jiro tiro koob rasmi ah oo dawladdu ka samaysay qaxootiga, ajaanibta ah, soo galootiga sharci darrada dalka ku soo galay iyo kuwa magan-galyo doonka ah inta badan iyada oo dhinaca kale sannadihii ugu dambeeyey ay dalka ku soo kordheen qaxooti ka soo qaxay dalalka Carbeed ee Yemen iyo Suuriya kadib dagaalladii dalalkaasi ku habsaday.
Dadka soo galootiga ah ee Qawmiyadda Oromada ayaa ah kuwa ugu badan ee dalka ku soo qulqulaya, kuwaasi oo aan lahayn xirfado shaqo, hannaan ay dalka wax ugu soo kordhiyaan iyo cudud qofeed oo waxtar leh, culays weynna ku haya dalka. Waxa ay dalka ka saaraan dhaqaale xooggan oo ay ku urursadaan hannaan dawarsi ah, waxaanay halis ku yihiin caafimaadka, saxada faya-dhawrka iyo dhaqanka suubban. In badanna dadku waa ay ka cawdaan balse xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maraa marnaba qorshe cad oo wax lagaga qabanayo lama aanay iman taasi oo halis weyn ku ah qaranka.

More in focus

To Top