Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Digiin Culus U Dirtay Shirkado Macdanta Qoda Oo Xukuumadda Somalia Heshiisyo Malaayiin Doollar Ah La Gashay

focus

Somaliland Oo Digiin Culus U Dirtay Shirkado Macdanta Qoda Oo Xukuumadda Somalia Heshiisyo Malaayiin Doollar Ah La Gashay

Somaliland Oo Digiin Culus U Dirtay Shirkado Macdanta Qoda Oo Xukuumadda Somalia Heshiisyo Malaayiin Doollar Ah La Gashay

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diginiin culus hawada u mariyey shirkado macdanta baadha oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya heshiis kula gashay in ay macdan qodo shirkadahaasi oo ay xildhibaannadu ugu baaqeen in ay ka waantoobaan in ay ku soo xad gudbaan Somaliland oo aanay iman dhulka Somaliland ciddii iska indho tirta qaranimmada Somaliland-na tallaabo xukuumaddu ka qaado.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo maalmihii ugu dambeeyey ka doodayay Xeerka Khayraadka iyo Macdanta ee Somaliland ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo la soo bixidda Khayraadka dabiiciga ah ee dalku halka ay sidoo kale shirkadaha Soomaaliya ruqsadda siisay ee doonaya qaarkood in ay deegaamada Somaliland ku soo xad gudbaan baaq culus u diray.
Xildhibaan Xirsi Cabdullaahi Xirsi oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Dhawaan waxa warbaahinta Bulshada soo galay xogo tibaaxaya heshiis ay dawladda Soomaaliya la gashay shirkad la yidhaahdo coastline exploration oo sheegtay in lacag dhan 7 Milyan oo Dollar dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay si ay baadhitaan khayraadka dabiiciga ah uga samayso Soomaaliya. Shirkaddaasi iyo dawladda Soomaaliyaba waxaan uga digaynaa in aanay Somaliland qayb ka ahayn heshiisyada ay dawladda Soomaaliya la gasho shariikadaha iyo ciddii ay doonaan.

Shirkaddaasi waxaan digniin weyn ugu soo jeedinaynaa in ay iska hubiso in heshiiskooda ay ku darsadaan wax Somaliland ku jirto. Wixii lagaga qaatayna noqonayso lacag khasaartay. Somaliland-na tahay dal madax bannaan oo aanay heshiisyadaasi khusayn”. Ayuu yidhi Xildhibaan Xirsi Cabdullaahi Xirsi
Dhinaca kale Xildhibaannada Somaliland waxa ay ka hadleen shirkadaha macdanta qoda ee Somaliland laga leeyahay kuwaasi oo ay ku dhaliileen in dhulka ay macdanta ka qodaan ay godadka kaga tagaan oo aanay dib u aasin taasina waxyeelo weyn soo gaadhsiiso dad iyo duunyoba. Iyada oo xoolo iyo dad badani ku waxyeeloobaan godadkaasi afka bannaan ee macdanta laga baadhay oo sidooda looga tagay.

Xildhibaan Xirsi Cabdullaahi Xirsi oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Ilaalinta bedqabka deegaanka iyo hubinta bedqabka dadka ku dhaw godadka macdanta laga qodayo iyo shaqaalaha ka shaqaynayaba waa muhiim waana in xil weyn la iska saaraa. Waxa aanu In badan aragnaa in shirkadaha ka shaqeeya macdanta dalkeenu marka ay godadka ka qodaan macdanta ay godadkii oo af bannaan ka tagaan. Wakhti dambe ha u soo noqdaan ama sidaaba hakaga maqnaadaane. Xoolaha ayaa ku daata. Dadka ayaa ku waxyeelooba. habeenkii ayay dadku ku dhacaan oo ku dhaawacmaan halisna ku galaan. Arrintaasi waa arrin halis badan oo u baahan in degdeg wax looga qabto. Xeerkanna meelo badan wuu ku soo celcelinayaa oo ujeedooyinkiisa way ku jirtaa. waxa loo baahan yahay in lagu daba galo shirkadaha oo marka ay hawsha dhammaystaan laga eego in ay aasaan godadka iyo in kale” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xirsi Cabdullaahi Xirsi.

More in focus

To Top