Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Itoobiya Iyo Kooxda TPLF Oo Isniinta U Ballansan Furitaanka Wadahadallada Nabadeed

focus

Dowladda Itoobiya Iyo Kooxda TPLF Oo Isniinta U Ballansan Furitaanka Wadahadallada Nabadeed

Dowladda Itoobiya Iyo Kooxda TPLF Oo Isniinta U Ballansan Furitaanka Wadahadallada Nabadeed

Kooxda TPLF ee gacanta ku haysa gobolka Tigray ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin wada hadalada nabadeed ee dhex mari doona iyaga iyo dowladda Itoobiya, kaas oo loo ballansan yahay Isniinta soo socota.

Dhanka kale mar sii horraysay ayaa mas’uul u hadlay Dowlada Itoobiya waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay ka qayb gasho wada hadalladan.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay labada dhinac ku cadaadiyeen in xabbad joojin la sameeyo, la isuguna yimaaddo miiska wada hadalka, si loo gaadho xal nabadeed.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Itoobiya ay maalmihii lasoo dhaafay sheegtay inay degaanno hor leh ka qabsadeen TPLF, isla markaana xarumaha muhiimka ah ay gacanta ku dhigayaan.

Dagaallada u dhaxeeya Itoobiya iyo TPLF ayaa muddo soo socday, iyadoo dagaalladaasina ay ku dhinteen dad aad u badan kuwa kalena ay ku barakaceen, halka gobolka Tigray oo ah gobolka uu dagaalku ka billaabmay uu noqday mid go’doon ku jira oo dunida inteeda kale ka xidhan.

More in focus

To Top