Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Taariikh Cusub Ka Dhigtay Tartamada Ciyaaraha Afrika, Kuna Guuleysatay Koobka CECAFA

focus

Soomaaliya Oo Taariikh Cusub Ka Dhigtay Tartamada Ciyaaraha Afrika, Kuna Guuleysatay Koobka CECAFA

Soomaaliya Oo Taariikh Cusub Ka Dhigtay Tartamada Ciyaaraha Afrika, Kuna Guuleysatay Koobka CECAFA

Xulka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay koobka isreebreebka 17-jirada bariga iyo badhtamaha Africa 2022, kadib ciyaar xiisa badan oo Final eheyd oo lagu qabtay magaalads Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wakhtigii loogu talagalay ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3 iyo 1 oo ay ku guuleysteen ciyaartoydii metelaysay xulka Qaranka Soomaaliya, iyagoo Koobka ka qaaday dalka South Sudan.

Soomaaliya ayaa hore isreebreebka 17-jirada bariga iyo badhtamaha Africa 2022 ka reebtay xulalka Itoobiya iyo Uganda, iyadoo ciyaarta maanta ay garoonka buux dhaafiyeen taageerayaal Soomaali ah oo qaarkood mas’uuliyiin ay yihiin kuwaasoo uu ugu weynaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan u baahan iney Semi Final ka gaadhaan koobka Qaramada Afrika ee 17-jirada kaas oo ka dhici doona Algeria horaanta sannadka soo socda, si ay uga qeyb galaan Koobka Adduunka 17-jirada ee sannadka 2023 badhtamahiisa lagu qaban doono dalka Peru.

More in focus

To Top