Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Qaadanaya 125,000 Oo Qaxooti Ah, Isaga Oo Faahfaahiyey Meelaha Uu Ka Qaadanayo Qaxootiga Cusub

focus

Maraykanka Oo Qaadanaya 125,000 Oo Qaxooti Ah, Isaga Oo Faahfaahiyey Meelaha Uu Ka Qaadanayo Qaxootiga Cusub

Maraykanka Oo Qaadanaya 125,000 Oo Qaxooti Ah, Isaga Oo Faahfaahiyey Meelaha Uu Ka Qaadanayo Qaxootiga Cusub

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaadanayo sannad miisaaniyadeedka 2023, tiradaas oo gaadhaysa illaa 125,000 oo qaxooti ah, inkasta oo uu cadaadis xooggan kaga yimi kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha qaxootiga, iyaga oo madaxweynaha ku cadaadinayey inuu kor u qaado tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato sannadkii, si loo daboolo baahida jirta.

Kooxaha u dooda qaxootiga ayaa ku cadaadinaya maamulka Biden inuu wax badan ka qabto, Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka, iyada oo si weyn loo dhimay tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaato sannadkii, intii uu xilka joogay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump. Waxaana tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato ay gaadhay illaa 20,000 sannadkii.

Sannad miisaaniyadeedka Maraykanka ayaa dhammaanaya maalinta Jimcaha ee foodda innagu soo haysa.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu faahfaahiyey meelaha uu Maraykanku qaxootiga ka soo qaadanayo sannad miisaniyadeedka 2023, ayaa lagu sheegay in qaaradda Afrika laga soo qaadayo illaa 40,000 oo qaxooti ah, iyada oo dalalka ku yaalla Bariga dhow iyo Woqooyiga Aasiya loo qoondeeyey illaa 35,000, halka dalalka ku yaalla Bariga Aasiya, Yurub, Badhtamaha Aasiya iyo Latin America loo qoondeeyey min 15,000.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa 5,000 oo qaxooti ah in lagu calaamadiyey inay yihiin qoondo kayd ah.

Associated Press.

More in focus

To Top