Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirro Ollole Ka Dhex Billaabay Xildhibaannada Golaha Guurtida.  

focus

Wasiirro Ollole Ka Dhex Billaabay Xildhibaannada Golaha Guurtida.  

Wasiirro Ollole Ka Dhex Billaabay Xildhibaannada Golaha Guurtida.  

(SLT-Hargeysa)-Qaar kamid ah wasiiradda idman ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa Golaha Guurtida ka dhex bilaabay ollole iyo muusanow beellaysan,kuwaas oo kullamo gaar gaar ah oo beellaysan la yeeshay Xildhibaannada beelahooda ugu jira Golaha Guurtida.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Axmed Aadan Buuxane ayaa la sheegay inay maanta huteelka Baraar ee Magaalada Hargeysa ay kullamo kulla yeesheen qaar kamid ah Xildhibaannada Beesha samaroon ee Golaha Guurtida,waxaana la weriyey inay arrimaha ay kale hadleen ay ugu mihiimsanayeen xeerarka doorashooyinka ee horyaal Golaha,kuwaas oo la sheegay inay ka dalbadeen inay diidaan oo aanay u codayn xeerarkaas,haseyeeshee waxa la sheegay in xildhibaannada qaar ay diideen dalabka wasiirada idman,halka qaar kale ay soo dhaweeyeen.

Sidoo kalena wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa isna la sheegay inuu kullan lamid ah kaas uu la yeeshay qaar kamid ah Xildhibaan Golaha Guurtida ugu jira Beesha Ciise,kaas oo isna ka codsaday in aanay u coddayn ansixinta xeerarkan xasaasiga ah ee Golaha horyaal.

Si kastaba ha-ahaatee wasiirada idman ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaq-yo siyaasadeed oo ay isku muujinayaan,isla markaana ay ku raalligenayaan Madaxweyne Biixi,waxaanay isku dayayaan inay ku qanciyaan Xildhibaanada beellahoodda ee Golaha Guurtida in aanay u coddayn ansixinta xeerarka kaabista iyo wax ka beddelka laggu sameeyey ee doorashooyinka.

More in focus

To Top