Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hanjabaada Ruushka Ee Adeeegsiga Nukliyeerka.

focus

Mareykanka Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hanjabaada Ruushka Ee Adeeegsiga Nukliyeerka.

Mareykanka Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hanjabaada Ruushka Ee Adeeegsiga Nukliyeerka.

Maraykanka ayaa uga digay Ruushka “Cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, sidaas waxaa sheegay Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden oo warbaahinta la hadlay.

Sullivan oo marti ku ahaa barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amro weerar nukliyeerka ah, laakiin ma aanu sheegin sida uu Maraykanku uga jawaabi doono.

Jawaabta Maraykanka ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar nukliyeer ah, ka dib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka socda dalka Ukraine.

Kordhinta ciidamadan ayaa timid, ka dib markii Ruushku uu dib u dhac kala kulmay furimaha dagaalka, iyada oo ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla Woqooyiga Bari ee Ukraine, oo Ruushku uu qabsaday toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo baaqa dib ugu yeedhista ciidamada kaydka ah ee Putin ayaa ka dhacay dalka Ruushka, iyada oo boolisku ay xabsiga u taxaabeen boqolaal dibadbaxayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Ruushka ee Moscow iyo magaalooyin kale oo dalkaas ah.

More in focus

To Top