Connect with us

somalilandtoday.com

Telefishinka CNN Oo Baajiyay Waraysiga Madaxweynaha IRAN Kaddib Shuruud Adag Oo Lagu Xidhay

focus

Telefishinka CNN Oo Baajiyay Waraysiga Madaxweynaha IRAN Kaddib Shuruud Adag Oo Lagu Xidhay

Telefishinka CNN Oo Baajiyay Waraysiga Madaxweynaha IRAN Kaddib Shuruud Adag Oo Lagu Xidhay

Weriyaha rug-caddaaga ah ee telefishinka CNN, Christiane Amanpour, ayaa baajisay waraysi ay ka qaadi lahayd Madaxweynaha Iran, Ibraahim Raisi, kaddib markii uu ka dalbaday inay waraysato iyada oo uu xijaaban.

Amanpour ayaa tilmaantay in aanu jirin madaxweyne dalab noocaas ah u jeediyay markii ay hoggaamiyeyaasha ku waraysatay meel ka baxsan Iran.

Waxa ay intaa ku dartay in kaaliyaha Madaxweyne Raisi uu u sheegay in sababta dalabkaas ay tahay “xaaladda ka taagan Iran”.

Geerida haweeney ay laamaha ammanka ee Iran u xidheen inay jebisay xeerka xijaabka ayaa waxaa ka dhashay dibedbaxyo rabshado wata.

Mahsa Amini oo 22 jir ahayd ayaa toddobaadkii hore gashay xaalad miyir daboolan ah, saacado kadib markii ay xidheen booliska ka hortaga xumaanta.

Askarta xidhay Mahsa ayaa la sheegay inay madaxa kala dhaceen bud, isla markaana ay madaxa kaga garaaceen gaadhi ay wateen. Booliska ayaa ku dooday in aanay jirin caddeyn muujinaysa in si xun loola dhaqmay gabadhaas, balse uu ku soo booday “xanuun wadnaha ah oo degdeg ah”.

Dibedbaxyada oo galay maalintii toddobaad ayaa ku baahay 80 magaalo iyo deegaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Islaamiga ah. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay rabshadaha socda.

Waraysiga ayaa noqon lahaa kii ugu horreeyay ee Madaxweyne Raisi lagaga qaado gudaha Mareykanka, xilli uu ka qeybgalayo kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Amanpour ayaa sheegtay inay diyaar u ahayd waraysiga, kaddibna uu mid ka mid ah kaaliyeyaasha Madaxweynaha Iran uu u sheegay in laga rabo inay madaxa dadato, arrintaasina uu dalbaday Raisi.

“Waxaan joognaa New York oo aanu ka jirin sharci ama dhaqan khuseeya xijaabka,” ayay ku qortay barteeda Twitter.

Amanpour ayaa sheegtay in kaaliyaha Madaxweyne Raisi uu si cad ugu sheegay in aanay waraysi qaadi doonin haddii aanay madaxa dadan, isagoo intaa ku daray in taasi ay “tahay ixtiraam”.

Kooxda la socotay weriyaha ayaa baajiyay waraysiga, waxaana ay ku tilmaantay shuruudda lagu xidhay “mid lama-filaan ah oo aan hore loo arag”.

Christiane Amanpour ayaa mar dambe soo dhigtay sawir iyada oo aanu madaxa u dadneyn ah, isla markaana hortaagan kursi bannaan oo uu ku fadhiisan lahaa Madaxweynaha Iran si halkaa loogu waraysto.

Raisi oo madaxtinnimada Iran loo doortay sannadkii hore ayaa bishii Augusto saxiixay amar lagu dhaqangelinayo xayiraado cusub.

Waxaa ka mid ah in kamarado lagu xidho goobaha ay bulshada iskugu timaado, si loola socdo dumarka aan xijaabka xidhan, kuwaas oo ganaax ama waano la siinayo.

Waxaa sidoo kale khasab laga dhigay in xabsiga loo taxaabo qof kasta oo Iran u dhashay oo su’aal ka keena ama baraha bulshada soo dhiga diidmo ka dhan ah xeerka xijaabka.

Xayiraadaha ayaa sare u qaaday xadhigga loo geysto dumarka, dhinaca kalena waxa ay kordhiyeen dumarka baraha bulshada soo dhigaya iyagoo aan xijaab xidhnayn, arrintaas oo cirka isku shareertay kaddib geeridii Mahsa Amini.

More in focus

To Top