Hindiya iyo Shiinaha ayaa mar kale isku qabtay Qaramada Midoobay iyagoo isku khilaafsan dadaallo liiska argagixisada loogu darayo Sajid Mir oo ka tirsan kooxda Lashkar-e-Taiba.
Sajid Mir waxa uu ka mid yahay eedeysaneyaasha ugu waaweyn ee lagu tuhunsan yahay weerarradii Mumbai ka dhacay sanadkii 2008.
Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay horgeeyay codsi ku aaddan in liiska argagixisada caalamiga ah lagu daro Sajid Mir, Hindiya ayaana taageertay tallaabadaas.
Balse Shiinaha ayaa codsiga ku gacan seyray, waxa uuna u adeegsaday codka diidmada qayaxan ee “veto”.
Beijing ayaa sheegtay in ay door ka qaadaneysay wakiillada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah gole ka kooban “1,267 xubin”.
Qaraarka uu soo jeediyay Mareykanka ayaa dhigayay in Sajid Mir loo aqoonsado ‘argagixiye calami ah’, maaddaama lala xiriiriyay shabakadda Al-Qaacidda.
Hindiya iyo Mareykanka ayaa isku dayay in ay Sajid Mir ka mamnuucaan safarrada, waxa ayna xayireen hantidiisa. Balse si taas loo hirgeliyo, waxaa khasab ah in ay go’aankaas isku raacaan dhammaan 15-ka xubin ee joogtada ah ee Golaha Amaanka
Waa markii afaraad oo afartii bil ee la soo dhaafay gudahooda uu Shiinaha qaado tallaabo noocaas ah.
Bishii la soo dhaafay, soo jeedin ay Mareykanka iyo Hindiya ku doonayeen in liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay lagu daro Abul Rauf Asghar oo loo yaqaanno Abdul Rauf Azhar, oo la dhashay hoggaamiye-diimeedka muranka dhaliyay ee Pakistan Maulana Masood Azhar.
Laakiin Shiinaha ayaa durbadiiba gaashaanka ku dhuftay.
Sajid Mir waxa uu ku jiraa liiska “shakhsiyaadka ay Hindiya sida ugu weyn u raadineyso”, Mareykankuna waxa uu madixiisa dul dhigay abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar.
Doorka Shinaha
Mao Ning, oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo shir jaraa’id ku qabtay Beijing mar uu u jawaabayay weriye ka socday warbaahinta dowladda Hindiya ee lagu magacaabo Prasar Bharti u sheegay in “goluhu uu hayo xog ku saabsan magacaabista ururrada argagixisada ah, shakhsiyaadka iyo nidaamka loo maro.”
Waxa uu sheegay in ay cad yihiin shuruudaha la raaco mark acid loo aqoonsanayo argagixiso calami ah.
“Shiinaha mar walba waxa uu ka qeyb qaataa shaqada Golaha isagoo adeegsada hab dhismeed nidaam fiican leh oo waafaqsan shruucda iyo habraacyada,” ayuu yidhi.
Hase yeeshee, weriyaha isku dayay inuu faahfaahin sii weydiiyo, waxa uuna ka codsaday inuu u sheego goorta uu Shiinaha xayiraadda ka qaadi doono shakhsiya liiska argagixisada lagu darayo.
Afhayeenka ayaa markii uu su’aashaas ka jawaabayay sheegay in ficillada Shiinaha uu ka sameeyo guddiga ka kooban 1267-da xubnood ay mar walba yihiin kuwo isku mid ah oo waafaqsan habraacyo loogu talogalay.
Waa kuma Sajid Mir?
Sida ku xusan bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Sajid Mir waxa uu magaciisa ku jiraa liiska dadka ay sida weyn u doondooneyso hay’adda FBI-da, waxaana loo arkaa qof ka mid ah xubnaha argagixisada.
Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay muwaadin u dhashay dalka Pakistan.
Sida uu sheegay Mareykanka, Sajid Mir waxa uu xubin sare ka ahaa kooxda Lashkar-e-Taiba tan iyo sanadkii 2001.
FBI-da ayaa sheegtay in ninkan uu intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2011 qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Lashkar-e-Taiba.
Sanadkii 2008, Lashkar-e-Taiba waxa ay fuliyeen weerarro xiriir ah oo meelo badan lala beegsaday, sida hoteello, makhaayado iyo xarumo tareenno, kuwaasoo saddex maalmood ka dhacay magaalada Mumbai.
Weerarradaas waxaa lagu dilay qiyaastii 170 ruux. Lix muwaadin oo Mareykan ah ayaa ka mid ahaa dadka la dilay.
Sajid ayaa lagu eedeeyay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarradaas. Xilligaas waxa uu ku sugnaa saldhig ku yaalla gudaha Pakistan.
Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarro xagjirnimo oo lala beegsaday wargeys laga leeyahay Denmark iyo shaqaalihiisa.
Kaddib weerarradii Mumbai, Mareykanka ayaa Sajid Mir magaciisa ku daray liiska dadka argagixisada ah ee sida aadka ah loo raadinayo.