Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo $700 Oo Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya

focus

Mareykanka Oo $700 Oo Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya

Mareykanka Oo $700 Oo Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya

Safaaradda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan $700 oo milyan, taas oo ay ku bixiyeen wax ka qabashada gurmadka abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu faahfaahiyey lacagtaan oo la soo mariyey hay’adda gargaarka ee USAID.

Hay’adda ayaa dhankeeda shaacisay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaadhay meshii ugu xumeyd, isla-markaana ay kordhiyeen taageeradooda Soomaaliya.

Ilaa 7.8 milyan oo Soomaali ah ayey saameysay abaarta, ayada oo in ka badan 1 milyan ay ku barakaceen oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​99,000 bishii Augusto.

Si kastaba, warbixinta ka soo baxday deeq bixiyeyaaha ayaa lagu sheegay in ay si deeqsinimo ah u kordhiyeen maalgelinta qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada, iyada oo 65 boqolkiiba la maalgeliyay laga bilaabo 31-ka Augusto ee sanadkaan 2022-ka.

More in focus

To Top