Connect with us

somalilandtoday.com

FBI-du Oo Loo Diidan Yahay Inay Dib U Eegto Waraaqihii Sirta Ahaa Ee Laga Helay Guriga Trump

focus

FBI-du Oo Loo Diidan Yahay Inay Dib U Eegto Waraaqihii Sirta Ahaa Ee Laga Helay Guriga Trump

FBI-du Oo Loo Diidan Yahay Inay Dib U Eegto Waraaqihii Sirta Ahaa Ee Laga Helay Guriga Trump

Qareenada u doodaya madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay inay ka soo horjeedaan in loo ogolaado Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dib u eegis ku samayso, in ka badan 100 waraaqood oo sir dawladeed ahaa oo laga soo helay guriga Trump, xilligii ay baadhista ku sameeyeen hay’adda dembi-baadhista ee FBI-du.

Qareenada Madaxweyne Trump ayaa diidan in hay’adda FBI-du ay xogta laga helay guriga Trump ay u adeegsadaan baadhista ay wadaan, iyada oo arrimaha ay hay’addaasi baadhayso ay ku jiraan habka loo kaydiyey xogta sirta ah ee dawladda.

Hadalkan ka soo baxay qareenada Trump ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii toddobaadkii hore ay dacwad oogayaasha Federaalku ay ka codsadeen garsoore heer Federaal ah inuu laalo go’aankii hore ee mamnuucayey in xogta laga soo helay guriga Trump in loo adeegsado baadhista iyo in la magcaabo khabiir si gaar ah u qiimeeha macluumaadka la soo ururiyey.

Garsoore Aileen Cannod ayaa qareenada madaxweyne Trump waxay siisay illaa Isniinta inay kaga soo jawaabaan codsiga dacwad oogayaasha.

More in focus

To Top