Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland: Shirkad Al-Wadaniya Soomaali Ah Oo Sheegatay Markabkii Uu Ku Faanay Madaxweynaha Ukraine

focus

Somaliland: Shirkad Al-Wadaniya Soomaali Ah Oo Sheegatay Markabkii Uu Ku Faanay Madaxweynaha Ukraine

Somaliland: Shirkad Al-Wadaniya Soomaali Ah Oo Sheegatay Markabkii Uu Ku Faanay Madaxweynaha Ukraine

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa toddobaadkaan sheegay in Qamadi gargaar ah oo ka socda dalkiisu uu ku sii jeedo Soomaaliya, oo macaluul qarka u saaran, nolosha malaayiin qofna ay halis ugu jirto geeri.

Hase yeeshee shirkad Al-Wadaniya oo ka shaqeysa soo dhoofinta Qamadiga oo Somaliland laga leeyahay, ayaa beenisay warka madaxweynaha Ukraine, waxayna sheegtay in markabka uu iyada u kireysan yahay, islamarkaana aanu sidin gargaar.

Cumar Muuse Cartan oo ah masuul ka tirsan Shirkadaas oo Idaacadda VOA la hadlay ayaa sheegay in qamadiga uu sido markabkaas ay shirkadu leedahay oo aanu aheyn gargaar uga yimid Ukraine, wuxuuna intaas ku daray inuu badhtamaha bishan kusoo waajahan yahay dekedda Berbera.

Sidoo kale afhayeenkan u hadlay shirkadda Al-Wadaniya ayaa sheegay in muddo shan bilood ay ku wareersanaayeen sidey qamadiga uga soo dhoofsa lahaayeen dalka Ukraine oo dagaallo qadhaadh ay ka socdaan tan iyo bishii February ee sannadkan.

“Badhtamihii bishii hore ee Agoosto ayey noo suurta gashay in markabkii ugu horreeyey aan soo rarano, markaas oo Ruushka iyo Turkiga ay meel mariyeen heshiis lagu dhoofinayo qamadiga Ukraine, markabkaas wuxuu soo marayaa Jabuuti, isla bishaana wuxuu soo gaadhayaa dekedda Berbera,” Cumar Muuse Cartan oo shirkadda Al-Wadaniya ka tirsan.

Cartan oo sii hadlayey wuxuu yidhi, “Waanu maqalnay warka ah in qamadigaas uu macaawino yahay, waxaba kama jiraan warkaas ay warbaahintu baahisay, qamadigaan shirkadaa soo iibsatay.”

Hadalka masuulkaan ka tirsan shirkadda Alwadaniya oo dalkeena Somaliland ka howlgasha ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Ukraine uu hore u sheegay in waddamo sabool ah oo Soomaaliya ay ku jirto ay qamadi u direen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hore ugu eedeeyay reer galbeedka in qamadiga dekedaha la furay ee Ukraine badankiisa ay u direen dalalka Europe, oo aan loo dirin waddamada gaajadu ka jirto ee saboolka ah.

More in focus

To Top