Connect with us

somalilandtoday.com

Albania Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay IRAN, Maxay Tahay Sababtu?

focus

Albania Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay IRAN, Maxay Tahay Sababtu?

Albania Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay IRAN, Maxay Tahay Sababtu?

(SLT-Albania)-Dalka Albania ayaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Iraan, ka dib markii ay ku eedeeyeen in Tehran ay ku lug yeelatay weerar dhinaca internetka ah oo lagu qaaday kaabayaasha dalkaas, bishii July ee sannadkan.

Ra’iisal wasaaraha Albania Edi Rama ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in la eryey dhammaan diblomaasiyiinta u dhashay dalka Iran iyo shaqaalaha safaaradda ay ku leeyihiin dalkaas, isaga oo amar ku siiyey inay dalka uga baxaan muddo 24 saacadood ah.

Websiteka rasmiga ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya in Iran ay ka dambaysay weeraro dhinaca dhinaca internetka ah oo lagu qaaday kaabayaasha internetka ee hay’adaha dawladda ee Jamhuuriyadda Albania.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen ay hore ugu wargeliyeen dalka Iran iyaga oo u sii marsiiyey safaaraddooda. Sidoo kale wuxuu sheegay ra’iisal wasaare Rama inay caddaymaha ay heleen ay la wadaageen dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO.

Maraykanka ayaa cambaareeyey weerarka dhinaca internetka “Maraykanku waxa uu qaadi doonaa tallaabo dheeraad ah si uu Iran ugula xisaabtamo Iran,” ayuu yidhi afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad Adrienne Watson.

Dalka Iran wax jawaab ah kama bixinin tallaabadan ay qaadday Iran iyo hadalka ka soo baxay Maraykanka.

Warbixintan oo lagu daabacay bogga VOA, waxaa qoray weriyaha dhinaca amniga u qaabilsan VOA Jeff Seldin, qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay Reuters.

More in focus

To Top