Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirrada Ugu Muhiimsan Ingiriiska Oo Markii Ugu Horreysay Laga Waayay Nin Cad

focus

Wasiirrada Ugu Muhiimsan Ingiriiska Oo Markii Ugu Horreysay Laga Waayay Nin Cad

Wasiirrada Ugu Muhiimsan Ingiriiska Oo Markii Ugu Horreysay Laga Waayay Nin Cad

(SLT-London)- Raysal wasaaraha cusub ee Britain Liz Truss, ayaa soo xushay golle wasiirro oo markii ugu horraysay nin caddaan ahi aanu qaban doonin mid ka mid ah afarta jago ee ugu muhiimsan ee dalkaas.

Truss ayaa u magacawday Kwasi Kwarteng – oo waalidkiis ay ka yimaadeen dalka Ghana 1960 in uu noqdo wasiirkii maaliyadda ee ugu horreeyay ee Madow ee Britain, halka James Cleverly uu yahay wasiirkii arrimaha dibadda ee ugu horreeyay oo Madow ah.

Cleverly, oo hooyadii ay kasoo jeeddo dalka Sierra Leone, aabihiina uu yahay caddaan, ayaa marar hore ka hadlay in la cunsuriyadeeyay isaga oo ay iska dhaleen caddaan iyo madow, waxaanu sheegay in xisbigiisu ay tahay inuu wax badan ka qabto sidii uu u soo jiidan lahaa codbixiyayaasha Madowga ah.

Suella Braverman, oo waalidkeed ka yimaadeen Kenya iyo Mauritius lixdan sanno ka hor, ayaa bedeli doonta Priti Patel oo ah xoghayaha arrimaha gudaha, ama wasiirka arrimaha gudaha, halkaas oo ay mas’uul ka noqon doonto booliiska iyo socdaalka.

Dowladaha Ingiriiska ayaa ilaa dhawr iyo toban sanno ka hor waxa ay ka koobnaayeen rag caddaan u badan, iyada oo qaadatay ilaa lagaa soo gaadhay sannadkii 2002 in Britain ay soo magacawdo wasiirkeedii ugu horreeyay ee qowmiyadaha tirada yar markii Paul Boateng loo magacaabay xoghayaha guud ee maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee, qaybaha sare ee dowladda, garsoorka, shaqaalaha, iyo ciidammada ayaa weli u badan caddaan.

Reuters.

More in focus

To Top