Connect with us

somalilandtoday.com

Safiirka Mareykanka Ee Ruushka Oo Shaqada Ka Tagay

focus

Safiirka Mareykanka Ee Ruushka Oo Shaqada Ka Tagay

Safiirka Mareykanka Ee Ruushka Oo Shaqada Ka Tagay

(SLT-Moscow)-Safiirka Maraykanka ee waddanka Ruushka, John Sullivan, ayaa soo afjaray shaqadii dilomasiyadeed ku dhawaad saddex sanno oo uu la shaqeeyay maamullada Trump iyo Biden, Axaddii, waxaana uu ka fadhiisan doonaa shaqo dheer oo uu ka hayay dowladda Mareykanka, sida ay sheegta safaaradda Moscow.

Bixitaankiisa ayaa imanaya iyadoo uu dagaalka Ruushku la galayo Ukraine uu socdo bishii toddobaad.

40 sannadood oo uu ahaa shaqaale dowladeed, waxaa jagooyinkii uu Sullivan soo qabtay ka mid ahaa xilalka ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda iyo xilalka sare ee waaxyaha cadaaladda, difaaca iyo ganacsiga.

Elizbeth Rood, oo ah ku xigeenka safaaradda Mareykanka ee Ruushka ayaa noqon doonta diblomaasiyadda ugu sarreysa ee Mareykanka ee Moscow illaa qofkii bedeli lahaa Sullivan uu soo magacaabay madaxweyne Joe Biden.

Maalintii Sabtida ahayd, Sullivan wuxuu Moscow uga qeyb galay aas loo sameeyay madaxweynihii hore ee Soofiyetka Mikhail Gorbachev, oo geeriyooday salaasadii.

Bixitaanka Sullivan ayaaa sidoo kale imaanaya iyadoo xaaladda xidhiidhka Mareykanka iyo Ruushka uu wali yahay mid kacsan, iyada oo Mareykanku cunaqateynno isdaba joog ah kusoo rogay Ruushka, halka dhinaca kale uu balaayiin doollar oo gargaar millatari ah ugu deeqay Ukraine.

AP.

More in focus

To Top