Connect with us

somalilandtoday.com

Dhuumaha Ruushka Ee Gaaska Geeya Jarmalka Oo Maalintii Saddexaad Xidhan

focus

Dhuumaha Ruushka Ee Gaaska Geeya Jarmalka Oo Maalintii Saddexaad Xidhan

Dhuumaha Ruushka Ee Gaaska Geeya Jarmalka Oo Maalintii Saddexaad Xidhan

(SLT-Berlin)-Shirkadda Tamarta iyo Gaaska ee Ruushka (Gazprom) ayaa ku dhawaaqday inaanan maanta dib loo furi doonin dhuumaha gaaska geeya dalka Jarmalka, sidii horeyba loo qorsheeyay.

Tani ayay u sababeysay, iyadoo cilad kale oo farsamo ka heshay mid ka mida dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1, taasoo macnaheedu yahay inuu gaasku ka sii go’naan doono Jarmalka, illaa muddo aan la garanayn.

Dhuumaha gaaska ka qaada Ruushka ee geeya Jarmalka ayaa xidhnaa saddexii maalmood ee la soo dhaafay, waxayna shirkaddu sheegtay inay muddadaasi dayactir wadday.

Gazprom ayaa qorsheyneysay in Sabtidan gaaska dib loogu fasaxo dalkaasi, ha yeeshee ay haatan ku soo korodhay cilad kale, oo muddada cilad bixinteeda aan la garanayn, inta ay qaadan doonto.

Qiimaha gaaska ayaa kordhay, ka dib duulaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, 24-kii bishii February ee sannadkan.

Wadamada Midowga Yurub ayaa isku dayaaya inay xakameeyaan dhaqaalaha Ruushka, si loogu ciqaabo duullaankiisa Ukraine.

Moscow ayaa hore isaga diiday inay gaaska u adeegsaneyso sida hub oo kale, iyadoo markaasi ka jawaabeysa xayiraadaha Reer Galbeedka.

More in focus

To Top