Connect with us

somalilandtoday.com

Tigrayga Oo Magaalo Muhiim Ah Qabsaday Iyo Abiy Oo Dal Kale Taageero U Doontay

focus

Tigrayga Oo Magaalo Muhiim Ah Qabsaday Iyo Abiy Oo Dal Kale Taageero U Doontay

Tigrayga Oo Magaalo Muhiim Ah Qabsaday Iyo Abiy Oo Dal Kale Taageero U Doontay

(SLT-Addis Ababa)-Dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sii xoogeystay kadib markii uu dib u qarxay Arbacadii, waxaana guuldarrooyin culus la gaadhsiiyey ciidamada dowladda federaalka Abiy Ahmed.

Ciidammada Tigray ee loo yaqaan TDF ayaa laba maalmood gudahood ku qabsaday magaaladii saddexaad, ayaga oo kusii siqaya gudaha gobolka Amxaarada oo ay ka dagaalamaan maleeshiyo taageersan dowladda iyo ciidammada dowladda oo iskaashanaya.

Maalin kadib markii ay qabsadeen magaalada Kobo, Tigrayga ayaa sidoo kale xalay qabsaday magaalooyinka Robit iyo Woldia. Saddexda magaalaba waxay ka tirsan yihiin gobolka Amxaarada.

Magaalada Robit, ma aha magaalo muhiim ah, oo waa magaalo yar oo u dhaxeysa Kobo iyo Woldia, hase yeeshee Abiy Ahmed ayaa waxaa walaacin doona qabsashada magaalada muhiimka ah ee Woldia, oo hadda u gacan gashay Tigray-ga.

Kobo iyo Woldia waxay isku jiraan 50km, taasi oo ka dhigan in laba maalmood gudahood ay Tigrayga soo jareen dhul baaxad weyn.

Fallanqeeyayaasha arrimaha millatariga ayaa ka yaaban sida fudud ee ciidanka dowladda federaalka Itoobiya cagta loo marinayo.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sugan dalka Algeria, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kaalmo millatari weydiisan doono dowladda dalkaas. Algeria waa dalka labaad ugu millatari awoodda badan Afrika.

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billaamay bishii November ee 2020. 

More in focus

To Top