Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Ka Socda Tigray Ee Dalka Itoobiya + TPLF Oo Qabsatay Magaalo Muhiim Ah Oo Ka Tirsan Gobolka Amxaarada

focus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Ka Socda Tigray Ee Dalka Itoobiya + TPLF Oo Qabsatay Magaalo Muhiim Ah Oo Ka Tirsan Gobolka Amxaarada

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Ka Socda Tigray Ee Dalka Itoobiya + TPLF Oo Qabsatay Magaalo Muhiim Ah Oo Ka Tirsan Gobolka Amxaarada

Waxaa sii xoogaystay dagaalka dib Arbacadii dib uga qarxay dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF ee maamusha gobolka Tigray, ayada oo mucaaradka ay guulo sheegteen.

TPLF ayaa sheegtay “in ciidammadeeda geesiyaasha ah ay iska caabiyeen weerarka ciidammada dowladda, islamarkaana ay wiiqeen saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey.”

“Waxaan dhaafinay furintii dagaalka ee mucaaradka, waxaana qabsanay magaalada muhiimka ah ee Kobo oo ka tirsan gobolka Amxaarada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka TPLF.

Dowladda ayaa qirtay in ciidammadeeda ay ka baxeen magaalada Kobo, balse waxay ku sheegtay xeelad dagaal, oo sida ay tidhi lagu badbaadinayo shacabka.

“Si looga fogaado khasaare xoog badan oo ka dhaca gudaha magaalada haddii rasaas la isku weydaarso, ciidammada difaaca waxaa khasab ku noqotay inay ka baxaan magaalada Kobo oo ay difaac ka galaan duleedka magaalada,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda.

Jimcihii, ayada oo dagaalka uu sii xoogaystay, ayaa ciidamada dowladda waxay duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Mekele ee caasimadda Tigray ay ku dileen afar qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur. TPLF ayaa tirada dhimashada gaadhsiisay illaa toddoba qof.

Addis Ababa waa ay beenisay inay beegsatay goobo shacab , waxayna ku doodday in weerarada lag  fuliyey goobo millatari.

Hase yeeshee weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn caalami ah, ayada oo dhinacyada cambaareeyey ay ku jiraan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo dowladda UK.

UNICEF waxay sheegtay in duqeynta ay ku dhacday iskuul xanaanada carruuurta ah, ayna ku dhinteen dhowr carruur ah, islamarkaana kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billaamay bishii November ee 2020. 

Xabad-joojin la gaadhay bishii March ayaa hakisay dhiiggii qubanayey, taasi oo ogolaatay in gargaar loo gaadhsiiyo gobolka oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul.

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaaradka ayaa dhowr goor sheegay inay doonayaan inay galaan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci waayeen qodobada wadahadalladaas.

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobollada Amhara iyo Cafar, ayada oo labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda koowaad.

More in focus

To Top