Connect with us

somalilandtoday.com

William Ruto Oo Maxkamadda Sare Ee Kenya Ka CODSADAY Inay Diiddo Codsiga Raila Odinga

focus

William Ruto Oo Maxkamadda Sare Ee Kenya Ka CODSADAY Inay Diiddo Codsiga Raila Odinga

William Ruto Oo Maxkamadda Sare Ee Kenya Ka CODSADAY Inay Diiddo Codsiga Raila Odinga

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Jimcihii ku boorriyay Maxkamada Sare ee dalka inay diido codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga, kaas oo kasoo horjeesto natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto.

Odinga, oo ah hogaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, isla markaana taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga talada haya, ayaa Isniintii u gudbiyay dacwad Maxkamadda Sare, isaga oo kasoo horjeeda natiijada codbixintii guusha uu gaadhay Ruto.

Siyaasigan oo 77 jir ah, ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo tiro yar 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba — wuxuuna sheegay in uu hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in uu ku guulaystay doorashada.

Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu hore u sheegay in la khiyaameeyay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

Warqad dhaar ah oo loo gudbiyay maxkamadda, ayuu Ruto ku sheegay in Odinga uu taariikh u leeyahay “khilaaf joogto ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtinimo iyo hurinta qalalaasaha qaranka kadib guuldarro”.

Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore inuu isku dayay “in uu helo fursad kale oo doorasho oo maxkamaddu go’aamiso.”

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa Sebtembar shanteeda go’aan ka gaadhi doona murankan, waxaana haddii ay amraan in la baabi’iyo natiijadii lagu dhaawaqay ay noqoneysaa in doorasho cusub lagu qabto 60 maalmood gudahood.

AFP.

More in focus

To Top