Connect with us

somalilandtoday.com

Taliban Oo Soo Saartay War Shaki Geliyey Sheegashadii Mareykanka Ee Dilka Zawahiri

focus

Taliban Oo Soo Saartay War Shaki Geliyey Sheegashadii Mareykanka Ee Dilka Zawahiri

Taliban Oo Soo Saartay War Shaki Geliyey Sheegashadii Mareykanka Ee Dilka Zawahiri

(SLT-Kabul)-War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Taalibaan ayaa shaki geliyey sheegashadii Mareykanka ee aheyd inay magaalada Kabul ku dileen hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, horraantii bishan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 2-dii August sheegay in duqeyn ay CIA-da ka fuliyeen Kabul lagu dilay Ayman Al-Zawahiri.

Si kastaba, Taalibaan ayaa hadda sheegtay in ku dhowaad bil kadib sheegashadaas ayna weli helin meydka Ayman al-Zawahiri, islamarkaana ay wadaan baadhitaanka ku saabsan dhacdadan, sida laga soo xigtay afhayeenka kooxdaas Zabihullah Mujahid.

Zabihullah Mujahid waxa uu qiray in weerarka Mareykanka uu sheegtay uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeedhay xadgudub ka dhan ah “mabaadi’da caalamiga ah,” balse waxa uu yidhi “in ayna arag meydka Zawahiri.”

Su’aasha ayaa ah; ma Taalibaan ayaa qarineysa meydka iyo inuu Al-Zawihi joogay Kabul, mise Mareykanka ayaa ka been sheegay dilka hoggaamiyaha Al-Qacida.

Marka si loo eego, Taalibaan waxa ay haysataa sabab kasta oo ay u qariso dilka Zawahiri iyo joogitaankiisa Kabul, sababta oo ah wuxuu dhalinayaa su’aalo ku saabsan haddii kooxda ay gabbaad siisay kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021.

Heshiiska Mareykanka uu uga baxay Afghanistan ee uu la galay Taalibaan ayaa dhigaya in ayna kooxdaas weerarin danaha Mareykanka, islamarkaana gabbaad siin Al-Qaacida.

Zawahiri, oo ahaa dhakhtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xidhihii weeraradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xarunta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.

Geerida Al-Zawahiri ayaa timid 11 sanno kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.

More in focus

To Top