(SLT-Kuala Lumpur)-Maxkamadda sare ee Malaysia ayaa ku amartay raysal Wasaarihii hore Najib Razak inuu bilaabo 12 sanno oo xabsi ah salaasadii shalay kadib markii ay taageertay eedeymo la xidhiidha fadeexad balaayiin dollar ah oo ka dhacday sanduuqa dowladda ee 1Malaysia Development Berhad (1MDB).
Go’aanka maxkamadda federaalka ayaa dhameystiraya guuldaradda Najib, oo ilaa afar sanno ka hor Malaysia ku xukumayay gacan bir ah, isla markaana cabbudhinayay baadhitaannada maxalliga ah ee fadeexaddii 1MDB, taasoo saameyn ku yeelatay hay’adaha maaliyadda.
Dambi baadhayaasha ayaa sheegay in ilaa 4.5 bilyan oo dollar laga xaday qasnadda 1MDB, taas oo Najib uu wax ka aasaasay sannadkii ugu horreeyay ee xukunkiisa ee 2009 – iyo in inka badan 1 bilyan oo dollar oo lagu shubay akoonno xidhiidh la leh Najib.
Sarkaal ka tirsan maxkamadda iyo ilo ku dhow Najib ayaa sheegay in la dhigay xabsiga Kajang, oo qiyaastii 40 KM u jira caasimadda Kuala Lumpur.
“Tani waa mid aan hore loo arag, Najib waxaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii, wuxuu ahaa Raysal wasaarihii ugu horreeyay ee ku guuldareysta doorasho guud, wuxuuna noqday kii ugu horreeyay ee la xukumo,” ayuu yidhi Adib Zalkapli, oo ah agaasimaha hay’adda tala-bixinta khatarta siyaasadda ee BowerGroupAsia.
Najib, oo wax kusoo bartay Britan, ayaa xilka Raysal wasaarenimo hayay 2009 ilaa 2018, markaas oo cadhada dadwaynaha ee fadeexaddii musuqmaasuqa ay keentay guuldarradii kasoo gaadhay doorashada, iyo tobannaan eedaymo musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay bilo kaddib.
Raysal Wasaarihii hore, oo dafiray dambigan, ayaa lagu xukumay 12 sanno oo xadhig ah iyo 210 milyan oo lacagta ringgit ah oo u dhiganta ($ 46.84 milyan) oo ganaax ah.
Fadeexadda baaxadda leh ee 1MDB ayaa keentay in Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ay furto waxa noqday baadhitaankeedii ugu weynaa ee hoggaamiye awooddiisa ku xada hantida dalkiisa.
Anwar Ibrahim oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in xukunkan uu caddeynayo awooda dadka.
Reuters.