Connect with us

somalilandtoday.com

Kenya Oo Saddex Todobaad Gudaheed Lacag Ku Dhow Toban Million Oo Dollar Ka Faa’iiday Jaadka Ay U Dhoofiso Soomaaliya

focus

Kenya ayaa saddex todobaad gudaheed Soomaaliya u dhoofisay Jaad Miirow ah oo qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo shilinka dalkeeda ah, taas oo u dhiganta ku dhawaad sideed million iyo badh lacagta Maraykanka.

Tirada ay Kenya markii hore u dhoofin jirtay Soomaaliya oo ahayd 40 tan maalin kasta, ayaa hadda ganacsatada Kenya waxay daabuli karaan ugu badnaan 19 tan.

Guddoomiyaha ururka ganacsiga Qaadka, Kimathi Munjuri ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay xaddiga u dhoofinta qaadka Soomaaliya kordhiso.

Kenya ayaa billowday bixinta liisanka dhoofinta ganacsatada miirooga bishii July ka dib wadahadal laba geesood ah oo dhex maray Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa tartan dhanka suuqa Soomaaliya ah kala kulmeysa Itoobiya oo Muqdisho geysa jaadka Hareeriga kadib markii dowladdii hore ee Soomaaliya ay muddo laba sanno ka badan xayirtay Qaadka Kenya ee Miirowga.

More in focus

To Top