Connect with us

somalilandtoday.com

Madxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaililand

focus

Madxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaililand

Madxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaililand

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo uga warbixiyey ururrada siyaasadda ee buuxiyey shuruudihii diwaangelinta Ururrada Siyaasadda kuwaas oo tiradoodu dhantahay 15 Urur Siyaasadeed.

Waxaanay guddidu Madaxweynaha uga warbixiyeen halka ay hawluhu u marayaan ilaa hadda iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxanay xuseen yoolkooda shaqo ee mustaqbalku inuu yahay ka midho dhalinta shaqada ay qaranka u hayaan inay u gutaan sida ugu habboon iyagoo dhawraya, raacayana dastuurka qaranka iyo shuruucda dalka u dejisan.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu guddida uga mahadnaqay, kuna hambalyeeyey shaqada ay qaranka u hayaan iyo dedaalka ay sameeyeen mudadii ay xilkaa hayeen. Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan shaqada ay hayaan.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

More in focus

To Top