Connect with us

somalilandtoday.com

Afar Xubnood Oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashii Ururka Barwaaqo Oo Iska Baxay Dacwad-Na Ka Gudbiyey Dr. Gaboose

focus

Afar Xubnood Oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashii Ururka Barwaaqo Oo Iska Baxay Dacwad-Na Ka Gudbiyey Dr. Gaboose

Afar Xubnood Oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashii Ururka Barwaaqo Oo Iska Baxay Dacwad-Na Ka Gudbiyey Dr. Gaboose

(SLT-Hargeysa)-Afar ka mid ahaa aasaasayaasha Urur-siyaasaddeedka Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa la sheegay in ay ka baxeen Ururkaasi, ka dib markii khilaaf dhinaca qaab-dhismeedka uu ka dhex qarxay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ururka Barwaaqo oo arrintaasi ku saabsan, hase yeeshee sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ahi afartan xubnood, ayaa la sheegay in ay Guddida diiwaan gelinta u gudbiyeen in laga saaro magacyadooda xubnaha aasaasayaasha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo ee loo gudbiyey guddidaasi

Wararku waxa ay intaasi ku dareen In afartan xubnood oo kala ahaa Jamaal Cali Xuseen oo markii la gudbinayey Foomka qaab dhismeedka lagu sheegay inuu yahay Guddoomiye kuxigeenka Kowaad Ururka Barwaaqo, Siciid Cilmi Rooble oo ahaa aasaasayaasha Ururka Barwaaqo, Muxumed aw Axmed oo aasaasayaasha ka mid ahaa iyo Axmed Nasiye oo ahaa isaguna aasaasayaasha Ururka Barwaaqo.

Xudunta khilaafkan oo kala dhex galay aasaasayaasha Barwaaqo ayaa la sheegay inuu salka ku hayey markii Ahmed Nasiye oo ahaa aasaasayaasha Barwaaqo uu damacay lagu daro hoggaanka Ururka, gaar ahaan Xoghayaha balse uu Dr. Gaboose u sheegay In aanay suurto gal ahayn, madaama xubin deegaankooda ahi ku jirto hoggaanka, iyada khilaafka keenay in ay ka baxaan Barwaaqo uu halkaas ka dhashay.

Guddida Diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa ku wargeliyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose In xubno aasaasayaasha Ururkiisa ah soo gudbiyeen warqad ay kaga laba ayaan ka mid noqoshada aasaasayaasha Ururkaasi.

Xubnahan aasaasayaasha Ururka Barwaaqo ahaa ayaa ka soo jeeda Berbera iyo Gebilay.

Saleebaan Saxansaxo

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top