Muddaharaadku Ma Xaaraan Baa?
Masaalooyinka fiqiga ee inta badan la is weydiiyo xukunkiisa sharcigaa waxa ka mid ah mudaharaadka ama bannaanbaxyada.
Qormadeenan waxaynu ku eegi doonnaa xukunka sharciga ee bannanbaxyada ama mudaharaadyada salmigaa-nabadeed ee aan rabshadda gacanka hadalka ah wadan.
Qoraalkeenan waxaynu xoogga ku saari doonnaa muujinta in bannanbaxyadu bannaan yihiin kolka ay yihiin qaar nabadeed oo wanaagga u socda, dulmi iyo xummaanna ka dhiidhiyaya.
Muddaharaadku waa dareen bulsho oo ay ku muujinayaan fal qalloocan oo cidda u talisaa ku kacdo, waa tallaabo lagu muujinayo sida looga soo horjeedo ficilkiisa ee aanay bulshadiisu raallida uga ahayn.
Muujinta iyo diidista ficillada aan loo bogin oo maanta ereybixintiisa casrigii tahay mudaharaad waa mid soo jireen ah oo xataa saxaabada ka sugan. Yawmul Jamal-maalintii awrka, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay isugu soo baxeen saxaabada qaarkood sidii meel loo saari lahaa dhiiggii Cismaan bin Cafaan Rc.
Saxaabada isku soo baxaa ka qaybgashay waxa ka mid ahaa: Subayr bin Cawaam, Dalxa bin Cubaydillaah iyo Caa’isha, cid saxaabadii kale ah oo ku tilmaantay isku soo baxoodaa ku bixid madaxda Muslimiintiina ma jirin, saxaabadaasina uma aanay soo bixin in dhiig daato.
Sheekh Shariif Xaatim bin Caar muddaharaadka nabadeed ee aan hubka sidan, dhiiggana daadinayn, hantidana baabiinayn wuxu ku tilmaamay in aanu soo hoos galayn arrinka fuqahadu ula baxeen khuruuj calal xukaam-ku-bixidda madaxda. Sheekh Caar wuxu leeyahay: mudaharaadka salmigii maaha ku bixid madaxdaa, waa waddo ka mid ah waddooyinka aragtida lagu dhiibto, waana qaab wax lagu beddelo.
Sheekh Cabdiraxmaan bin Naasir Baarak oo fatwooday bannaynta muddaharaadka ayaa yidhi, “Wax kasta oo wanaag keenaya, dhibtana yaraynaya, diinta Ilaahayna in ay
shaqayso fududaynaya way bannaan tahay sharci ahaan. Wadiiqooyinka loo marayo waxa ka mid ah qoraal, hadal ama muddaharaad nabadeed.”
Sheekha Cabdalle Bin Jabrayn ayaa isna dhabbadan maray oo reer Falastiin muddaharaadyadu in ay bannaan yihiin u fatwooday.
Sheekh Cusaymiin ayaa la waydiiyey muddaharaadyada ka dhaca waddamada reer Galbeedka xukunkooda ama in laga qaybqaadan karo, ka dib na wuxu ku jawaabay, “Waxa la ii sheegay dhulalka reer Galbeedka in aan xaq qof leeyahay la soo dhacsan karin jeer oo bannanbaxyo lala yimaaddo, markay rabaan inay muran soo afjaraan way muddaharadaan, marba haddii ay tahay taasi marin ay adeegsadaan, iyaguna aanay dhib u arkayn, Muslimiintuna xuquuq aanay heli karin ilaa ay jidkaa maraan, waxaan rajaynayaa in aanay dhib lahayn.”
Cusaymiin oo dhulalka gaalada u oggol in aragtida bannanbaxyo lagu dhiibto uma oggolayn waddamada Muslimiinta, sababta oo ah boqortooyadiisu ma oggolayn bannaanbaxyada, dooddiisuna waxay ahayd in aanay dhabbadii salafka ahayn.
Sheekh Qaradaawi calanka ayuu u sidaa wadaaddada banneeyey muddaharaadka. Meelaha uu kaga hadlay xad ma leh, sida in uu fatwooday marar badan, buugaagtiisa iyo khudbadihiisana ku xusay.
Qaradaawi wuxu leeyahay: Muslimiintu xaq ayey u leeyihiin inay sameeyaan muddaharaad iyagoo ku muujinaya doonistooda sharciga ah, madaxdana baahidooda ku gaadhsiinaya, iyagoo samaynaya cod loo soo istaago, oo ayna macquul ahayn in la iska dhego tiro, maxaa yeelay codka qofka keliya waa la iska dhego marin karaa, laakiin codka dadka badan wuu ka awood badan yahay codka keliya, macquulna maaha in la iska dhego tiro, mar kasta oo ay bataan dadka muddaharaadayaa waa mar kasta oo la maqli ogyahay, maxaa yeelay doontista wadartu way ka saamayn badan tahay doonista qofka keliya. Allena wuxu leeyahay, “Isku kaalmeeya wanaagga iyo Alle ka cabsiga.” Nebiguna wuxu yidhi, “Mu’minku mu’minka kale wuxu u yahay sida dhisme oo way is caawiyaan.”
Qaradaawi xeeldheeridiisa fiqiga waxyaallaha muujiya masaladan ayaa ka mid ah, isagu wuxu tilmaamaya asalka muddaharaadku xagga uu ku hayo oo waxa uu leeyahay, “Muddaharaadku wuxu hoos yimaadda dhaqannada iyo caadooyinka bulsheed ee cibaadooyinka ma hoos yimaaddo. Muddaharaadku in uu bannaan yahay waxa u daliil ah inuu yahay arrin dhaqan ama caado.
Arrimaha caadooyinka ama dhaqankuna way bannaan yihiin sida ku cad qaacidada Usuuliyiintu tiraabeen. Waana hadalka saxda ah ee ay fuqahada casrigani doorteen.
Dr. Qaradaawi oo masalada sii balbaadhianaya ayaa leh: wax xaaraan ah ma jiro arrin daliil xaaraantinnimeeyey mooyee, addilada daciifkuna soo gudagelimayaaan daliilka la raacayo. Arrinkanna waxa caddaynaya in nebigu yidhi, “Wuxuu Ilaahay kitaabkiisa ku xalaaleeyey waa xalaal, wuxuu kitaabkiisa ku xaaraantinnimeeyeyna waa xaaraan, wixii uu ka aamusayna waa la idiin oggolaaday ee Ilaahay oggolaanshihiisa aqbala, mana aha Rabbi mid wax ilaaawa.”
Dr. Akram Kasaab ayaa isku hawlay soo koobidda waxyaallaha muujinaya in muddaharaadku bannaan yahay. Kasaab wuu qodobeeyey, waana kuwan:
• Muddaharaadyadu waxay la xidhiidhaan dhaqannada iyo caadooyinka bulsheeed ee cibaadooyinka ma hoos yimaaddaan. Qaradaawi wuxu leeyahay: bannaanbaxyadu waxay la xidhiidhaan dhaqannada, waana arrin ay keentay nolosha reer magaalnimo, asal ahaanna arrimahani waa xalaal.
• Wixii wasiilo ah ummadaha kale waa laga soo dheegan karaa. Waxana jira waxyaallo badan oo aan Rasuulka NNKH, waqtigiisii la samayn.
Qaradaawi wuxu leeyahay: waxqabadyo badan oo aan jirin xilligii nebiga ayey saxaaxabada iyo taabiciintu la yimaaddeen, sida Cumar bin Khaddaab oo sameeyey taariikh Muslmiinta u gaar ah iyo jeel. Waxyaallaha la sameeyey waxa ka mid ah lacag dadka Muslimiinta u gaar ah, iyo nidaamka isgaadhsiineed ee boostada.
• Muddaharaadku wuxu soo hoos galayaa baabka ah: wanaagga isku kaalmeeya oo xumaha ha isku kaashanina.
• Muddaharaadku waa mid ka mid ah hababka loogu gargaari karo dadka dulman.
• Muddaharaadku waa mid ka mid ah jihaadka noocyadiisa dheeraadka badan. Xadiiskii waa kii aha: hormoodka shuhadadu waa Xamse bin Cabdimuddalib iyo nin madaxweyne gefsan is hortaagay deeto uu dilay.”
• Qawaacidda Usuuliga(Usuulu Fiqiga) ah ayaa bannaynaysa sida tan leh: wixii aanu la’aantii waajibku dhammaystirmi karin, isna waa waajib.
• Qaacidada tidhaa: dhibta weyn waxa lagaga hortagaa dhibta yar.
Waxa la iswaydiin karaa muddaharaadku soo ma sababi karaa dhib, jawaabtu wuu sababi karaa, laakiin keeni mayso in la oggolaado dulmi iyo xadgudub in lagu noolaado. Muddaharaadku maaha kicin coladeeed ee waa dareen muujin. Cidda dareenkaa diiddan waxaynu leenahay sidii Sheekh Maxamed Qasaali odhanjiray: muddaharaadka ha diidina ee waxa sababaya diida.
W/Q Sheekh Cabdirisaaq Rakuub