Connect with us

somalilandtoday.com

Yaa Beddeli Doona Hoggaamiyihii La Dilay Ee Al Qaacida Ayman Al-Zawahiri?

focus

Yaa Beddeli Doona Hoggaamiyihii La Dilay Ee Al Qaacida Ayman Al-Zawahiri?

Yaa Beddeli Doona Hoggaamiyihii La Dilay Ee Al Qaacida Ayman Al-Zawahiri?

(SLT-Afghanistan)-Dowladda Mareykanka ayaa gantaal ku dishay hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri xilli uu taagnaa barandaha gurigiisa oo ku yaalla badhtamaha magaalada Kabul ee dalka Afgaanistan, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Washington, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaadha Shabakada al-Qaacida tan iyo markii la toogtay Usama Bin Laden sannadkii 2011-kii. .

Haddaba waxaa la is weydiinayaa kuma ayuu noqon doonaa nin hoggaanka u qaban doona shabakadan ay xubnaha ka yihiin in badan oo kamid ah ururada xagjirka ah:

Sayf Al-cadil

Waa nin qarsoon oo fure u ah hawlagalada al-Qaacida waa sarkaal hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar waa xubin sare oo ka tirsan Al Qaacida.

Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaadhaya 10-milyan oo doollar ugu yaboohay ciddii keenta xog horseeda in la la qabto ama la dilo.

Al-Adel ayaa lagu tuhunsanaa inuu ku lug lahaa dilkii Madaxweynihii Masar Anwar Saadaat sannadkii 1981-kii, wuxuuna Masar iskaga baxay 1988-kii isagoo ka mid noqdey Malayshiyaadkii Mujaahidiinta ee la dagaalamaysay Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan.

Waxaa loogu yeedhaa sarkaalka darajada saddexaad ee Al-Qaacida, Al-Adel wuxuu gacan ka geystay qorsheynta weerarradii bambaanooyinka ee lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar as Salaam 1998-kii, sida ay qortey Reuters, wuxuuna xeryo tababarro u sameeyay ururka al-Qaacida gudaha Suudaan, Pakistan iyo Afgaanistaan ​​sagaashamaadkii.

Ninkan ayaa qaar kamid ah warbixinadu sheegayaan in sannadkii 1993 uu kamid ahaa xubnihii ku sugnaa Muqdisho ee la dagaamay ciidankii huwanta ahaa ee Maraykanku hoggaaminaayey.

Sannadkii 2004-tii, xusuus-qorkii al-Adel ayaa la helay weerar lagu qaaday Sacuudi Carabiya. Doorkiisa ururka waxa uu ahaa tababare ahaan, hogaamiye ciidan iyo xubin ka mid ah la taliyaha amniga ee bin Laden.

Kahor inta aanu ku biirin Al-Qaacida waxa uu xubin ka ahaa ururka Jihaad ee Masar, kaas oo u heellanaa in uu dumiyo dowladda. Al-Adel ayaa lala xidhiidhiyay dilkii 2002dii lagu dilay saxafi Mareykan ah Daniel Pearl oo lagu dilay Pakistan, sida ay baadhayaal Mareykan ah ku sheegeen warbixin. Natiijooyinka ay soo saareen baarayaasha Mashruuca Pearl ayaa shaaca ka qaaday in al-Adel uu kala hadlay afduubka Pearl Khalid Sheikh Mohammad, oo sidoo kale loo yaqaan KSM, eedaysanaha maskaxdii ka dambeysay weeraradii September 11, 2001, ee lagu qaaday Mareykanka.

Al-Adel waxa loo magacaabay hoggaamiye ku meel gaadh ah geeridii bin Laadin kadib.

Yazid Mebarek

Yazid Mebarek, oo loo yaqaan Abu Cubeydah Yuusuf al-Canabi, ayaa ku guuleystay inuu noqdo amiirka Al Qacida ee Maqrib 2020, markii weerar ciidamada Faransiisku qaadeen lagu dilay hogaamiyihii ka horreeya.

Waa muwaadin u dhashay Aljeeria, Mebarek waxa uu hawlo warbaahineed u maamuli jiray AQIM, isaga oo ku baaqi jirey in weerarro caalami ah oo ka dhan ah danaha Faransiiska lagu qaado.

Mebarek, oo 53 jir ah, ayaa laga hayaa hal sawir oo garkiisu cawlan yahay, waxa uu ka qayb galay dagaaladii sokeeye ee al-jeeriya ee islaamiyiinta iyo dowladda u dhexeeyey, waxaana uu xubin ka ahaa safafkii jabhaddii xagjirka ahayd ee GSPC.

AQIM waxay ka faa’iidaysatay qalalaasaha ka jira gobolka Saaxil si ay u noqoto mid ka mid ah shabakadaha caalamiga ah ee ugu firfircoon waxaana ay fuliyaan afduubka reer galbeedka iyo weeraro gaadmo ah.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in AQIM ay lumisay awood ay ku qabsato kooxaha cusub ee mintidka ah ee Sahel, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan adduunka ee dhaqdhaqaaqyada jihaadka, halka Mebarek la soo sheegayo inuu la il daran yahay dhaawacyo duug, oo aanu la mid ahayn hoggaamiyihii isaga ka horeeyey oo lagu tilmaami jirey mid abaabulkiisu sareeyo.

Abd Al Rahman Al-Maghrebi

Abd al-Rahman al-Maghrebi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Morooko ayaa waxaa baadi goobaya FBI-da si ay su’aalo uga weydiiyaan xubinnimada Al-Qaacida. Wuxuu wax ku bartay dalka Jarmalka waana Kumbuyuutar Injineer ka hor inta aanu u wareegin Afgaanistaan ​​halkaas oo loo doortay inuu maamulo garabka warbaahinta ee ugu weyn Al Qaacida, ayay tidhi FBI-da.

Dukumiintiyo laga helay howlgalkii lagu dilay Bin Ladin ayaa muujinayay in al-Maghrebi uu sannado badan ka mid ahaa xiddigaha kooxda. Wuxuu soo noqday maareeyaha guud ee Al-Qaacida ee Afghanistan iyo Pakistan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top