Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaanka WADDANI Oo maanta Hargeysa kulan kula qaatay Golaha Dhexe Xisbiga.

focus

Hoggaanka WADDANI Oo maanta Hargeysa kulan kula qaatay Golaha Dhexe Xisbiga.

Hoggaanka WADDANI Oo maanta Hargeysa kulan kula qaatay Golaha Dhexe Xisbiga.

Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Golaha Dhexe Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa warbixin qoto-dheer xubnaha Golaha Dhexe ka siiyay xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo halka uu marayo qorshaha muddaharaadada waaweyn ee Xisbiyada mucaaradku qaban doonaan si sharciga loogu soo celiyo xukumadda Kulmiye ee talada maroorsatay.

Dhinaca kalena Musharraxa madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dardaarin dhinacyo badan oo siiyay xubnaha Golaha Dhexe, islamarkaana ku dhiiri geliyay in ay door weyn ka qaataan dadaallada sharciga loogu soo celinayo Xukumadda Kulmiye.

Xubnaha Golaha Dhexe ayaa dhankooda madasha ka soo jeediyay talooyin ku aaddan mudaharaaddada nabadeed ee xisbiyada mucaaradku qaban-qaabinayaan.

More in focus

To Top