Xog Hoose ma ku siiyaa?
Waa haddii Sadarrada qoran keligood aanad akhrin ee dhexdooda aad kala bixi karto inta ku hoos qarsoonaan karta.
Akhris wacan.
Waa habeenkii la dilay Saaxiibkeey, Wasiir Cabbaas Siraaji iyo hadal habeenkaa dhex maray Hoggaamiyayaashii Soomaaliya iyo Ethiopia oo labaduba markaa ka dib laba xilli oo kala duwan uu midba mar waayay xilalkiisii.
Waa horraantii bishii Meey 2017. Waa Addis Ababa. Waxaan fadhiyaa casho sharaf si qurxoon loo soo agaasimay oo uu Ra’iisal Wasaarihii Ethiopia, Xayle Mariam, uu ku casuumay Madaxweynihii Soomaaliya, Maxamed Farmaajo iyo wafdigiisa oo isugu jiray Wasiirro aan ka mid ahay, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
Miisas uu mid kastaa qaab goobo ah u sameysan yahay oo teel teel u yaalla ayaa mid kasta waxaa fadhiya mas’uuliyiin isku dhaf ah oo inta badan isu dhigma ugu yaraan derejo ahaan oo Soomaali iyo Ethiopian ah.
Miiska ugu mudan oo ka durugsan inta kale waxaa fadhiya Madaxweyne Farmaajo iyo Marwadiisa, oo uu dhexeeyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo ay marwadiisu wehliso, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ethiopia iyo aniga oo dhiggiisa ahaa. Waa inta aanuu nagu soo biirin Madaxweynihii Ismaamulka Soomaalida, Cabdi Cumar.
Jawi qurxoon oo kaftan taxaddar leh iyo sheekooyin noo socday ayaa mar qura hakad galay, ka dib markii miisaskii naga fogaa mid ka mid ah uu ka soo kacay howlwadeen ka mid ah Habmaamuuska Madaxweynaha. Telefoon khadka ku jira oo uu gacanta ku siday ayuu u dhiibay Madaxweynaha.
Waxaa isaguna soo kacay Sanbaloolshe, oo markaa ahaa Taliyaha Nabad Sugidda, wuxuuna dhegta iigu sheegay in la dilay Wasiir Cabbaas Siraaji.
Waxaan weydiiyay cidda dishay? Wuxuu ii sheegay in Ciidanka Dowladda gacantooda uu ku baxay Wasiirku.
Markii uu Sanbaloolshe iga tegey ka dib ayuu Madaxweynuhu dhammaystay telefoonkii uu ku hadlayay, Isaga oo aammusan ayuu i soo eegay.
Aniga oo af Soomaali kula hadlaya ayaan weydiiyay su’aal: Madaxweyne, Wasiirka la dilay miyaa laguu sheegay?
Markii uu ii jawaabay ayaan u jeediyay in uu mas’uulka la fadhiya la wadaago, maaddaama uu warku dibadda u soo bixi doono. Markii uu mar labaad iga hubsaday in ay sidaasi ila habboon tahay ayuu u sheegay Haile Mariam.
Aniguna waxaan u sheegay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Ethiopia oo i garab fadhiyay.
Madaxweynaha iyo aniguba waxaan helnay isku jawaab. “Waan ogahay” ayay ahayd jawaabtii Madaxweynaha dhegta loogu dhibciyay, oo la mid ahayd tii aniga la i siiyay.
Laba ruux ayaa soo kacay si Madaxweynaha iyo aniga naloo wargeliyo in Wasiirkeennii la dilay.
Cid soo kacday oo Ethiopian ahi ma jirin, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiirkana horteen ayaa lagu wargeliyay dilka Wasiirka Soomaaliya.
Safarkayagii waan soo gaabinnay, waagu markii uu beryayna waxaan u soo duulnay Muqdisho, waxaana ii suurta gashay in aan ka qeybgalo shirkii Golaha Wasiirrada ee dilka Wasiirka looga warbixiyay loogana arrinsaday.
Dilka habeenkaa ka dhacay Muqdisho iyo hadalladii miiska Sare ee Addis Ababa la isku weydaarsaday ee aan kula wadaagay, akhristow ka feker oo u qaado shaqo guri.
Waxa kuu soo baxa ee ay kula noqotana fadlan halkan igula wadaag.
Faahfaahin intaa ka badan hadda diyaar uma ahi.
W/Q Yuusuf Garaad