Connect with us

somalilandtoday.com

Cadho Ka Dhalatay Hadal Uu Wasiir Kenya Ahi Ku Yidhi Gabadh Muslim Ah

focus

Cadho Ka Dhalatay Hadal Uu Wasiir Kenya Ahi Ku Yidhi Gabadh Muslim Ah

Cadho Ka Dhalatay Hadal Uu Wasiir Kenya Ahi Ku Yidhi Gabadh Muslim Ah

(SLT-Nairobi)-Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku baaqay in xilka laga qaado wasiirka arrimaha waxbarashada ee Kenya, George Magoha, oo lagu eedeeyay inuu hadal qadaf ah uu ku yidhi gabadh Muslim ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee Kenya laga leeyahay.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta aanu ka jawaabin su’aal ay weydiisay.

“Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al Shabaab ka socoto, kama jawaabi doona su’aashaada,” ayuu yidhi wasiir Mogoha.

Wuxuu ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya Xasan Ole Naado ayaa cambaareeyay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay mid “nasiib-darro ah.”

Naado ayaa ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah tallaabo uga qaaddo wasiir Magoha.

Wuxuu ka dalbaday in dhammaan hoggaamiyayaasha ay door ka qaataan kobcinta nabadda kana fogaadaan hadallo kicin kara rabashado gaar ahaan xilligan lagu guda jira u diyaargarowga doorashada Kenya oo lagu wado inay dhacdo 9-ka bisha Agoosto.

Qaar ka mid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ayaa sidoo kale cambaareeyay wasiirka.

Rehema Zaid, ayaa yidhi, “Waa arrin murago leh.  Malaha wasiirku kama warqabo dadaallada socdo ee lagaga hortagaya xagjirnimada iyo takoorka. Qiyamkaasi waxaa ka mid ah inaan qof lagu takoorin diintiisa ama qabiilkiisa.”

Francis Onyikwa, ayaa yidhi,  “Waa khalad arrintan. Taasi beddelkeeda waxay ahayd inuu dhiirageliyo nabadda iyo xasiloonida.”

More in focus

To Top