(SLT-Qaahira)-Madaxweyaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir saxaafadeed la qabtey dhigiisa dalka Masar Abdel Fattah Saeed Hussein Khalil el-Sisi, oo uu marti u yahay kadib markii maalintii shalay diyaarad gaar ah oo Masar leedahay lagaga qaaday Muqdisho.
Cabdilafataax Al-Sisis ayaa sheegay in labada dal ee Masar iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo cilaaqaad qoto dheer, Masarna ay ahayd dalkii u horeeyey ee aqoonsada madax-banaanida Soomaaliya sanadkii 1960kii, sidoo kale waxay Masar dhiig u hurtey xornima doonkii Soomaaliya. Al-Sisis ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ay ku heshiiyeen iskaashi dhankasta ah gaar ahaan dhaqaalaha, waxbarashada iyo amniga, Madaxweynaha Masar ayaa xusey oggolaanshihii dhawaan Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu siiyey bangiga Masar si uu uga shaqeyn karo gudaha Soomaaliya taas oo bilow u ah maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Biyo-xidheenka lagu muran-san yahay
Arrtinta ugu muhimsan ee sida weyn diirada loogu hayey ayaa ahayd biyo xidheenka Webiga Niil ee Itoobiya soo waddey muddooyinkii danbe kaas oo hadda maraya heerkii labaad ee buuxinta, waxaana al-Sisi uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh isku raaceen khatarta ay leedahay dhismaha biyo-xidheenkaas hal dhinac keliya wado, waxaana isku wafaqney in arrintas lagala tashado dhammaan dalalka ay khuseyso ee webigu maro, iyadoo la ilaalinaayo amniga gobolka ayuu yidhi al-sisi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baajiyey safar hore oo uu ku tegi lahaa Itoobiya, kadib markii sidaas Adis Ababa dalbatey.
Sannadkii 2020 Wasiirada Arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa shir fogaan arag ah yeeshay waxaana lagu cambaareeyey Itoobiya, iyada oo loo jeediyey in Suudaan Masar iyo Itoobiya ay ka wada tashtaan Biyo-xidheenka, waxaa go’aankaas diidey Soomaaliya, Jabuuti iyo Qatar.
Waxaa meel hoose gaadhey xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya mudadii uu Madaxweynaha aha Farmaajo, waxaana Farmaajo uu xidhiidh dhaw la lahaa Dowaldda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xidhiidh dhaw lalahaa Dowalddii hore ee itoobiya ee Tigreegu hoggaamin jirey 2012-2016, oo iyadu xidhiidh la lahdy xitaa Dowlad goboleedyada, waxaa hadda sida qorraxda u muuqata siyaasadda uu doonaayo in Soomaaliya qaado ee ah Soomaali dunidana heshiis la ah iyo qaabka uu ku bilaabey.
Dowladda Masar ayaa walaac ka qabta biyo yaraan soo waajahda shacabkeeda oo lagu qiyaaso ilaa 100 Milyan qof kuwasoo ku tiirsan 90% ku tiirsan biyaha webiga Nile haddii Itoobiya bilowda inay buuxiso biyo xidheenka weyn ee ay ka dhistay meel 15 KM u jirta xadka ay la wadaagto Suudaan.
Itoobiya waxa ay xuduud dheer la wadaagtaa Soomaaliya, waxaa dalka ka jooga ciidamo badan, haddaba dib ma ugu laaban doontaa Itoobiya Siyaasadeedi hore ee Soomaaliya ee ay faraha kula jirtay dhinac kasta.