Connect with us

somalilandtoday.com

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

focus

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

(SLT-Washington)-Xoggo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday magaallo ku taallo Mareykanka, taas oo lagu dilay saddex wiil oo dhalinyaro ah oo Soomaali ah.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday magaaladda West Jordan oo ka tirsan gobolka Utah ee dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in nin hubeysan uu rasaaseeyey guri ay ka socotay xaflad aroos ah, isla-markaana ay ku sugnaayeen dadweyne u badan Soomaali.

Booliska magaalada ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uu ahaa mid ula kac ah, ayaga oo xaqiijiyey dhimashada saddexda wiil ee Soomaalida ah, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Qoraalka kasoo baxay Booliska laguma shaacin magacyada iyo da’da wiilasha Soomaalida ah ee ku dhintay dhacdadaas oo arooska u bedashay murugo iyo meel lagu kala cararay.

Sidoo kale wuxuu Booliska magaaladda West Jordan sheegay in ay weerarka kadib sameeyeen baadhitaano dheeraad ah, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen wiil dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyey weerarkaas toogashada ah.

Arrintaan ayaa saameyn ku reebtay bulshada Soomaalida, waxaana la soo darsay walaac xooggan, maadaama si gaar ah loogu beegsaday weerarka cusub ee ka dhacay Mareykanka.

Labadii bilood ee u dambeeyey ayaa lasoo wariyey in dhalinyaro badan oo Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka Utah, halkaas oo ay ku nool yihiin qoysas Soomaali ah.

Sikastaba, magaalooyinka waa weyn ee waddanka Mareykanka waxaa ku sii kordhaya weerarada abaabulan ee toogashada ah, kuwaas oo ay haatan dowladdu isku dayeyso inay ka hortegto, waxaana socdo qorshe lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah.

More in focus

To Top