Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaladda Al-Shabaabkii Galay Itoobiya Iyo Howlgalkii Socday Oo War Laga Soo Saaray

focus

Xaaladda Al-Shabaabkii Galay Itoobiya Iyo Howlgalkii Socday Oo War Laga Soo Saaray

Xaaladda Al-Shabaabkii Galay Itoobiya Iyo Howlgalkii Socday Oo War Laga Soo Saaray

(SLT-Jigjiga)-Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in lasoo afjaray hawlgal qaatey afar maalmood oo ka socday gobolka Afdheer, halkaasi oo ay galeen boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

War-murtiyeed kasoo baxay Guddiga Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan ujeedkoodu ahaa inay u gudbaan Ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox argagxiso ah oo loogu yeedho Shane.

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 100 Al-Shabaab ah la dilay intii uu socday howgalka, inkasta oo aan taas si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka:

Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duullaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidammada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

Hawlgalka ay Ciidammada Xooga gaarka DDS ay qaadeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo afjaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida, oo Ciidammada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii u sarraysay umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig shubis.

Sidas darteed Golaha ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomalidu waxa uu u mahad celinayaa shacabka Deegaanka oo sidii horayba loogu yaqiinay ugarab istaagay Ciidammadooda.

Ugu dambayn Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka.

More in focus

To Top