Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Laga Yaabaa In Biixi Iyo Kaahin Isku Cannaantaan KULMIYE Iyo Jeegaan Midaysan Ayaa Lagu Wareejiyey Iyo La Nagu Wareejiyey?

focus

Ma Laga Yaabaa In Biixi Iyo Kaahin Isku Cannaantaan KULMIYE Iyo Jeegaan Midaysan Ayaa Lagu Wareejiyey Iyo La Nagu Wareejiyey?

Ma Laga Yaabaa In Biixi Iyo Kaahin Isku Cannaantaan KULMIYE Iyo Jeegaan Midaysan Ayaa Lagu Wareejiyey Iyo La Nagu Wareejiyey?

20 sanno ka dib waa maxay caqabadaha uu waajahayo Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye?

Laba muddo xileedka oo labaad madaxweyne ka soo baxeen Kulmiye, waxa jira duruufo siyaasaddeed iyo mid hoggaamineed oo dul hoganaysa xisbigaasi oo dhawaan 20 jirsaday, maxay yihiin caqabadaha ku gedaaman Mustaqbalka Xisbul xaakimka, waxaynu ka eegaynaa arrintan dhinaca hoggaanka.

1. Dhibaato hoggaamineed; Xisbiga Kulmiye waxa Guddoomiye ka ahaa 12-kii sanno ee u dambeeyey Muuse Biixi Cabdi, Kaas oo ka muddo dheer Hoggaamiyihii hore ee Xisbigaasi ee Axmed Siillaanyo oo markii uu 8 sanno ahaa Guddoomiyaha Xisbiga ku wareejiyey kuxigeenkiisa oo ahaa Muuse Biixi 45 maalmood ka dib guushii doorashada madaxtinimada ee 2010-kii. Wareejinta Kulmiye waxa ay rejo iyo dardar gelisay Xisbiga, madama oo hoggaankii Xisbiga iyo Xukuumaddii dhalatay kala madax bannaanadeen, isla markaana xubnihii iska waayey Xukuumaddii u horreysay ay heleen dhufays iyo goob ay ku naawilaan shaqooyinka soo baxa.

  Kala saaridii Hoggaankii Xukuumadda iyo ka Kulmiye, waxa la tilmaamaa inuu ahaa qorshe guuleystay, inkasta oo khilaafyo ka dhex abuuray Xukuumadda iyo Xisbigeeda, haddana aakhirkii guul ayuu u keenay Hoggaankii Xisbiga joogay iyo Siyaasiyiin iyo kaadiriyiintii Kulmiye ee Iyaguna qorax jooga ahaa.

2017-kii, Hoggaankii Kulmiye ee talada dalka ku guuleystay, ma keenin Hal-abuurnimadii Hoggaankii ka horreeyey uu ku kala saaray Hoggaanka Xukuumaddii dhalatay iyo Hoggaanka Xisbigii guuleystay, inkasta oo ta hore la sheego in isfaham gaar ah ka gadheen hoggaankii Kulmiye ee labaad jeer midba mar guuleystay, walow hoggaan imika ee Kulmiye laftiisa la sheego inuu sameeyey ballan Qaad guud, oo aanu ka dhabayn illaa imika.

Kulmiye muxuu ka Dhaxlay isku sidkanaanta Hoggaankii Xisbiga iyo kii Xukuumadda?

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga ahna Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo iyagu tan iyo 2010-kii ahaa Labada masuul ee u sarreeya Kulmiye, ayaa weli ah hoggaanka Xisbigaasi, waxaana la tilmaamaa in xilalka qaranka ay hayaan Labada masuul ee Kulmiye u sarreeyaa ay ka mashquuliyeen shaqadii Xisbiga iyo dib u habayntii Xisbigaas u baahnaa.

Tani waxa kale oo ay keentay In kaadiriyiin badan oo Xisbiga ahaa hormuudna u ahaa guulihiisii ay waayaan hoggaankii guuleystay xilalna loo magacaabi waayo, taas oo keentay In ay soo dhaliilaan Xisbigoodii ka dibna hoggaankii guuleystay u adkaysan waayey dhaliilihii xubnahaas aakhirkiina Xisbiga laga saaro.

Dhibaatada kale ee dhinaca hoggaaminta ah ee la soo deristay Kulmiye ayaa ahayd in la isku hayn kari waayey xubnihii damacu kaga jiray Hoggaaminta Kulmiye ee mustaqbalka, iyada oo sidii Xisbigaas hore uga dhacday in go’aan qaadasho adag oo la xidhiidha aayaha Xisbigaas uu hoggaanku qaadan waayey.

Sidoo kale, guuldaradii Kulmiye ka soo gaadhay doorashadii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo deegaanka oo waxyaabaha loo sababeeyo ay ka mid ahayd arrinta Hoggaanka sare Kulmiye oo shaqada qaranka kaga mashquulay doorashooyinkaas, iyada oo waxyaabaha badan oo u baahnaa xalin ay waxba ka furdaamin Kari waayeen xubnihii hoggaanka ee xafiiska baaqiga ku ahaa, taasi ay keentay In xisbiyada kale faa’idaysteen.

Arrintan oo illaa imika taagan, ayaa keentay laba dhirbaaxo siyaasaddeed oo gaadhay hoggaanka Kulmiye, kuwaas oo mid ahaa muddo xal u raadinayey ay toddobaadkan mid kale u sii raacday.

Labadan tallaabado ee anfariirka siyaasaddeed ku diray  Hoggaanka Kulmiye oo mid kood la tuhunsan tahay in ay qayb ahaan dhalisay khilaafka siyaasaddeed ee Waddanka ka taagan, ayaa ah in Hal-abuurnumadii siyaasaddeed ee aan hore uga dhicin ee ahayd in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu wareejiyo Guddoomiyenimada Waddani, isaga oo ku wareejiyey Xirsi Cali Xaashi Xasan oo ka soo jeeday mid ka mid labadii Deegaan ee Kulmiye sida weyn looga taageeri jiray.

Halka talaabada labadna ahayd tii saddex cisho ka hor ka dhacday Hargeysa, ee siyaasiga Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa aasaasayaashii Kulmiye, ahaana ragga damacu ka hayey Xisbiga Kulmiye, balse lala meeraystay uu ku shaaciyey Urur siyaasaddeed cusub oo Kaah la yidhaahdo oo ay aasaasayaashii ka mid ahaa teen kaadiriyiintii Kulmiye iyo siyaasiyiintii Xisbigaasi ka tirsanaa labaatankii sanno ee uu jiray.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo 130 maalmood ku dhawaad ay ka hadhsantahay wakhtigii ay u mudaysnayd doorashada madaxtooyada ayaan la ogeyn illaa imika sida uu noqon doono Mustaqbalka Kulmiye, inuu guddoomiyaha imika haya ahna madaxweynaha Somaliland uu sii hayn doono, inuu markale Murrashax ka noqon doono, inuu saaxiibkii ku wareejin doono iyo inuu cid kale keeni doono.

Si kasta oo isbeddel hoggaan ugu yimaado Kulmiye, haddana waa mid Wajahi doona loollan adag oo u baahan doona samata bixin siyaasaddeed, iyada oo laba daran mid doono uu cagaha la geli doono, kuwaas kala ah gelista doorasho madaxtooyo iyo mid ururro.

More in focus

To Top