Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Dhabbaa In Xisbiga WADDANI Uu Codsaday In Uu Kulan Gaar La Yeesheen Madaxweyne Biixi??

focus

Ma Dhabbaa In Xisbiga WADDANI Uu Codsaday In Uu Kulan Gaar La Yeesheen Madaxweyne Biixi??

Ma Dhabbaa In Xisbiga WADDANI Uu Codsaday In Uu Kulan Gaar La Yeesheen Madaxweyne Biixi??

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wada-hadalladii u dhexeeyay xisbiga mucaaridka ah iyo xukuumadda, waxaanu sheegay in garnaqsigoodii ay u dhiibeen odayaasha dhexdhexaadinta wada ayna ka warsugayaan go’aanka ay ku dhawaaqi doonaan.

Dhan kale Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo ay faafinayaan taageerayaasha xukuumddu oo la xidhiidha in xisbiga WADDANI dalbaday in uu kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Biixi.

Qoraal kooban oo uu soo saaray guddoomiye Xirsi ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

“Salaamu Calaykum.

Waxaa socday maalmahan wadahadal u dhexeeyay xisbiyada macaaradka ah iyo xukuumadda oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen labada Guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankii maanta waxaa baajiyay labada Oday, mana jiro kulan gaar ah oo Xisbiga Waddani ka dalbaday Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, haba yaraatee. Waxa aannu gartayadii oo Af iyo qoraalba ah u dhiibnay Odayada dhexdhexaadka ah, iyaga ayaannuna ka war sugaynnaa berrito, insha allaah.”

More in focus

To Top