Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Waajahan KENYA Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Waajahan KENYA Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Waajahan KENYA Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah oo laba cisho ah uu ku joogi doono.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15 May, Madaxweynaha ayaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Safarkiisa Nairobi ayaa bilow u noqoneya dib u soo nooleynta xidhiidhkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sanno ee u dambeeyay mugdi galay xidhiidhkii labada dal oo gaadhay heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Warbaahinta Kenya ayaa qoreyso in socdaalkan uu muhiimad gaara ugu fadhiyo dib u furida suuqii Qaadka Kenya ee Soomaaliya oo labadii sanno ee la dhaafay hakad ku jiray, lama oga waxa ay dowaldda Soomaaliya ku bedelan doonto arrintan, xilli maalin kasta ay Muqdisho tagi jirtay 16 diyaaradood oo sida ilaa 50 tan oo Qaad ah.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu hore safaro dibadda ah ugu soo kala bixiyay dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Eritrea, iyadoo safarka maanta ee Nairobi kadib laga sugayo dalalka Jabuuti iyo Qatar uu maalmaha soo socdo ku waajahan yahay iyo Eritrea oo toddobaadka soo socda dhammadkiisa inuu dib ugu laabto la filayo.

More in focus

To Top