Sri-Lanka Maxaad Kala Socotaa?
Wadanka Sri-lanka waxaa ka dhacay mudaharaadyo waayn wayn oo gilgilay wadanka oo dhan taasi oo keentay in uu iscasilo madaxwaynihii iyo rasalwasaarihii wadankaasi. Hadda inta aynaan ka hadlin xalaadaasi aan waxooga idinka baro wadanka Srilanka,
Sri-lanka waxaa hore u gumustay wadanka Britain, waxaanay xornimo ka qaadatay wadanka ingiriiska 1948, waxaanu gumaystay muddo dhan 150 Sanadood. Waxaana loo ogolaaday in xubin ka noqoto jimciyada quruumaha ka dhaxaysa (United Nations) todaba sano ka dib markii ay xornimada qaadatay. Srinlanka waxay xubin ka tahay wadamada boqorsooranka oo ka kooban ilaa 56 dawladood, waxay sidoo kale xubin tahay ururka iskaashiga ee wadamada gobolka koonfur aasiya oo la yidhaa south Asian association for reginal cooperation (SAARC) oo ka kooban ilaa sideed wadan oo kala ah, Afghanistan, Bangladesh, Bhutan, India, Maldives, Nepal, Pakistan, and Sri-lanka oo la aasaasay Jan, 1987. Sri-lanka waxay dhacdaa qaarada eeshiya konfurteeda.
Magalo madaxda Sri-lanka waxaa la yidhaa Colombo, Sri-lanka waxaa dadkeeda lagu qiyaasaa ilaa 21.5 million, waxay ka jirtaa wadamada caalamka kaalinta 58 aad xaga tirada dadka, dhulkeedu wuxuu dhan yahay 62,710 KM square. 18.4% dadkeedu waa reer magaal, 81.6% dadkeedu waa reer miyi dhaqda beero iyo kaluumaysi.
70% dadku diinta ay haystaan waa Buddhist, 9.7% dadkeedu waa muslim, 6.2% dadkeedu waa Roman clothic, 12.6% dadkeedu waxay haystaan diinta hindu iyo 1.4% dadkeedu waxay haystaan diimaha kiristanka.
Dadkeedu kala badh waa da, da ka hoosaysaa 30 jir, qofkii rag ahaa wuxuu noolaan karaa ilaa 74 sanadood, qofka dumarka ahina waxay noolaan kartaa ilaa 81 sanadood.
Dhaqaalaha wadanka Sri-lanka waxaa sal dhig u ah suuqa xorta ah, GDP dalka waxaa lagu qiyaasaa ilaa $81.9 Billion, GDP rank wuxuu ku jiraa kaalinta 113th, beeruhu GDP-ga dalka waxay ka yihiin ilaa 84%, warshaduhu waxay ka noqonayaa GDP-ga 26.2%, xaga adeegana GDP-gu waa ilaa 59.2%. waxyaabaha Sri-lanka beerato waxaa ka mida bariiska, shaaha iyo geedka rubber-ka kuwaasi oo dalka soo gali dhakli faro badan. Waxayna dibada kala soo dagtaa alaabo badan. Wadanku wuxuu leeyahay khayraad kale oo ay ka mid tahay iron ores, limestone, quartz, titanium and so on.
Waxay xidhiidh ganacsi la leedahay wadamada kala ah, India, Japan, China, UAE, iyo Singapore. Inta badan gaadiidka tareemada, diyaaradaha iyo baabuurta dadwaynaha waxaa gacanta ku haysa oo maamusha dawlada Sri-lanka.
Sri-lanka xaga siyaasada waa dal ku dhisan dimuquraadiyada iyo nidaamka asxaabta badan. Xisbiyada wadaankaasi waxaa ka mida conservative united national party (UNP), Sri-lanka freedom party (SLFP). Xaga cadaadalada waxay leedahay garsoor madax banana oo dastuurka dalku siiyey awoodaasi.
Xaga waxbarashada dawlada Sri-lanka waxay bixisaa waxbarasho lacag la,aan ah from primary to university level. 85% dadka reer Sri-lanka ayaa waxna qori kara, waxna akhriya kara.
Xaga caafimaadka, dawlada Sri-lanka waxay bixisaa adeeg caafimaad oo bilaash ah oo uu xaq u leeyahay qofkasta oo muwaadin ah in uu helo. Taasi oo keentay in ay dawladu dhisto cisbitaalo waawayn iyo in ay u dhamaystirto agabkii loo baahnaa oo dhan, sida qalabka, dawooyinka iyo dhakhaatiirta.
Waa Maxay dhibka ka jira Maanta Wadanka Sri-lanka?
………………………………………………………………………………………
Maalmihii ugu danbeeyey waxaa wadankaasi gilgilay mudaharaadyo waawayn oo ay dhigayeen dadka wadaankaasi u dhashay, mudaharadayaashu waxay xoog ku galeen gurigii madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha wadanka sidii aad ka arkayseen shaashadaha warbaahinta. dadkaasi oo ka cabanaayey dhibaatooyin waawayn oo soo food saaray dadka dalkaasi ku nool waxaana ka mid ahaa:
ü Cunto la,aan
ü Dawo la,aan iyo qaliinadii mihiimka ahaa oo istaagay
ü Shidaal la,aan baahsan, dawladii oo joojisay iibka shidaalka laga soo bilaabo bishii June.
ü Sixir barar baahsan oo ilaa 50%
ü Schools-kii oo la xidhay
ü Dadka oo lagu soo rogay in guriyaha ku shaqeeyaan, si shidaalka loo tashiilo
Maxaa Sababay dhibka intaasi leeg?
……………………………………………………….
Dhibkaasi waxaa sabab u ah dhawr arimood waana sidan hoos ku xusan:
ü Dawladu waxay ku guul darasatay in wadanku haysto lacago ku filan oo ah foreign currency ama lacagta dollarka si uu dibada uu wax ugaga soo iibsado.
ü Bishii May, 2022, wadanka sri-lanka waxaa uu ku guul daraystay in uu iska bixiyo daymihii lagu lahaa wadanka markii ugu horaysay taariikhda.
ü Waxaa kale oo hoos u dhac wayn ku yimid dakhligii kasoo xaroon jiray dalxiiska kaasi oo uu sabab u yahay cudurka COVID19 iyo qaraxyadii wadanka ka dhacay 2019.
ü Dhaqaalihii wadanka oo six un loo maamulay:
1. Sida wadankii oo ku dhacay Trade deficit macnaheedu yahay wax soo dhoofsigii ayaa aad uga batay wax dhoofintii lacag dhan $3Billion Dollar. Taasi oo keentay in wadanku waayo lacagta foreign currency-ga. Dhamaadkii, 2019 wuxuu wadanku haystay lacag dhan $7.6billion, lacagtaasi waxay hoos aad ugu dhacay March, sanadkii 2020, ilaa $1.9Billion, ka dibna waxay dawladu sheegtay in ay hayso hadda lacag dhan ilaa $50Million.
2. Wadanku waxaa kale oo ku dhacay Budget deficit oo ah dalkhligii dawlada waxaa ka batay kharaashkii dawlada, dawladu waxay ku guul daraysatay in ay furdaamiso arinkaasi.
3. Dawladu waxay daymo faro badan ka qaadatay wadanka china lacagtaasina waxay gashay mashaaric aan mudnaanta kowaad lahayn
4. Dawladu waxay samaysay cashuur dhimis sanadkii 2019 taasi oo ahayd waxyaabihii lagu doortay madaxwaynaha hadda iscasilay, waxayna dawladu ku wayday cashuur dhimistaasi lacag dhan $1.4Billion.
5. April, 2021, dawladu waxay isku dayday in ay xakamayso wax soo dhoofinta, waxayna joojisatay soo dajinta chemical fertilizers-ka, waxayna soo rogtay in la isticmaalo local fertilizers, taasina waxay keentay in hoos u dhac wayni ku yimaado wax soo saarkii beeraha sida shaaha iyo rubberka oo dibada loo dhoofin jiray lacag faro badana wadanka ka soo gali jireen iyo waliba wax soo saarkii guddaha looga baahnaa. Taasi waxay keentay sidoo kale in June, 2021 dawladu amarto in bariis dalka dibadiisa laga keeno.
Waa Maxay qorshaha dawladu si dhibkan loo xaliyo
……………………………………………………………………………….
ü Waxaa iscasilay madaxwaynihii wadanka iyo rasalwasarihii wadanka.
ü Sri-lanka waxay ka codsatay lacag caawimo ah IMF oo dhan $3Billion
ü Prime Minister-ka oo ku dhawaaqay in oo lacag cusub soo daabaco si loo bixiyo mushaaraadka shaqaalaha laakin arinkaasi aad baa looga digay, waayo arinkaasi xalada ayuu uga sii darayaa.
ü Dawladu waxay ku dhawaaqday in ay privatization ay ku samayn doonto shirkada diyaaradaha ee Sri-lanka airlines.
ü Waxay dawladu ka codsatay wadamada Russia iyo Qatar in la soo gaadhaan shidaal ay ku helaan qiimo jaban si qiimaha shidaal hoos loogu dhigo isla markaasina loo helo shidaal wadanka ku filan.
W/Q Hawdo Hassan