Connect with us

somalilandtoday.com

Saddexdii Doorasho Ee La Filayey Inay Sannadkan Ka Qabsoomaan Somaliland Oo Dib U Dhacaya

focus

Saddexdii Doorasho Ee La Filayey Inay Sannadkan Ka Qabsoomaan Somaliland Oo Dib U Dhacaya

Saddexdii Doorasho Ee La Filayey Inay Sannadkan Ka Qabsoomaan Somaliland Oo Dib U Dhacaya

(SLT-Hargeysa)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sannadkan 2022-ka la filayey inay ka dhacaan saddex doorasho,kuwaas oo kale ahaa doorashadii Golaha Guurtida iyo Doorashada Madaxtooyadda iyo weliba doorashada ururrada siyaasadda,hase-yeeshaa waxa muuqata hadda ifafaale muujinaya in aanay sannadkan 2022-ka wax doorasho ahi ka dhacay Somaliland haba-yaratee, marka la eego xaalladaha kale duwan ee ku gedaaman qabsoomida doorashooyinkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawr jeer fageera ka sheegay sannadkii tegay 2021-kii in dalku sannadkan 2022-ka ay ku soo jihaysan yihiin inay dhacaan saddex doorasho,waxaanu ballan-qaaday inay siday u soo kale horeeyaan ay dalka uga dhacayaan “Sannadkan saddex doorasho ayaa inagu soo fool eh, waxa ugu soo horraysa doorashada Guurtida oo bisha may 31 2022-ka ku beegan, doorashada Madaxtooyadda iyo doorashada ururrada,waan in siday u kale horeeyaan ay u dhacaan oo loo diyaar garoobo ” ayuu yidhi Biixi sannadki hore 2022-kii

Madaxweyne Biixi ayaa mar kale isagoo ka hadlayey arrintan wuxuu fagaare ka sheegay in loo diyaar garoobo in doorashooyinka Guurtida, madaxtooyada iyo furista ururrada mid walba waqtigeeda loogu qaban lahaa, waxana uu yidhi,”Xisbiyada qaranka waxa ku waajib ah inaanay ka doodin furista, waayo waa sharci, maanta guddoomiyaha WADDANI wuxuu yidhi xisbiyada in la furo waan la oggol nahay, haddaa maxaa lafu murmayaa sidaa sharcigu yahay baynu yeelaynaaye, waxa kale oo Iyana sharci ah in waqtigii loogu talo galay doorashada madaxtooyada iyo u diyaargarowgeedii iyaduna waa waajib oo waqtigeedaynu maraynaa oo u diyaar garoobaynaa, mar haddii aynu sharcigaa iyo waddadaas hayno garan maayo waxa muranka iyo buuqa keenaya ee labada xisbi ee mucaaridka ahi ay ka boodan yihiin, saddexdii doorasho mid walba waqtigeedii siduu sharcigu jideeyey mid walba waqtigeedii aynu u diyaar garowno garan mayo sabab looga dido.”

Haddaba Somaliland ayaa waxa muuqata in aanay sannadkan 2022-ka wax-doorasho ahi ka qabsoomayn, saddex-dii doorasho ee la filayey inay sannadkan dhacaan,ayaanay suurtagal ahayn inay dhacaan, waxaana baaqatay hadda doorashadii Golaha Guurtida Somaliland, taas oo la soo dhaafay xilligii la qaban lahaa oo ku beegnayd bishii May 31 ,2022-ka, balse hadda aanay ciddi haddal hayeyn, halka doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo ururradii ay iyana yihiin qaar ku jira qiira qiire , isla markaana aan ku qabsoomayn xilligoodii, marka la eego xaalladaha ku gedaaman wakhtigan,kuwaas oo ay kamid yihiin komishankii doorashooyinka Qaranka oo aan hadda shaqayn, maddaama oo ay kale dhimman yihiin iyo xeerkii toos ah ahaa ee lagu doorranayey ururadda siyaasadda oo isna aan diyaar ahayn

Geesta kalene Golaha Wakiillada Somaliland oo fasax gallay ayaa la filayaa inay soo noqdaan bisha badhtanka bisha sagaalaad ee sannadk 2022-ka,wakhtigaas oo la filayo inay ansixiyaan saddex-da xubnood ee ka dhimman Komishanka doorashooyinka,waxaana xusid muddan in marka ay soo dhammaystirmaan 7 xubnood ee Komishanka doorashooyinka ay wixii intaas ka dambeeya bilaabayaa hawlahooga shaqo ee la xidhiidha u diyaar garowga doorashooyinka,kuwaas oo ugu horrayso diiwaangelinta codbixiyayaasha,balse waxaan suurtagal noqonayn marnaba inay labadaa doorasho ee Madaxtooyadda iyo ururrada ay ku qabtaan hal bil gudaheed,maddaama oo wakhtigu kooban yahay,isla markaana ay u baahan yihiin inay diyaariyaan qorshayaashii la xidhiidhay qabsoomida doorashooyinkaas

Si kastaba xaalku ha-ahaadee doorashooyinkii u muddaysanaa Somaliland inay sannadkan 2022-ka ay ka qabsoomaan ayaa baaqanaya,waxaanu Madaxweyne Biixi ku guullaystay inuu baajiyo doorashadii Madaxtooyadda ee 13 Novemeber 2022-k,a, taas oo ahayd doorashada qudha ee la naawilayey inay dalka ka qabsoonto gu’gan, maddaama oo uu dhammaystiran yahay xeerkeedii iyo farsaxameed,balse nasiib darro hadda dhici mayso waxaanay u baaqatay jid-gooyooyin kale duwan oo uu Madaxweyne Biixi u dhigay,kuwaas oo ahaa qaar uu ku raadinayey muraadkiisa muddo kordhinta ahaa oo hadda aad mooddo inuu salaxday.

More in focus

To Top