Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo MASAAJID Ku Yaalla Minnesota Ku Tooreeyey Imaamkii Masaajidka

focus

Nin Soomaali Ah Oo MASAAJID Ku Yaalla Minnesota Ku Tooreeyey Imaamkii Masaajidka

Nin Soomaali Ah Oo MASAAJID Ku Yaalla Minnesota Ku Tooreeyey Imaamkii Masaajidka

(SLT- Minneapolis)-Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in nin maskaxda ka xannuunsanaya uu masaajid magaalada ku yaalla ku Tooreeyey Imaam ku sugnaa masaajidka.

Jaylani Hussein, oo ah agaasimada Golaha Xidhiidhka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) ee Minnesota, ayaa sheegay in Imaam Cawil Aadan ay dhaawacyo kasoo gaadheen madaxa iyo gacanta, kuwaas oo u geeriyoon lahaa haddii aanu caawin qof kale oo ku sugnaa Masaajidka Khalid Binu Walid ee ku yaalla waddada West Lake Street.

Jaylani Hussein ayaa intaas ku daray in Imaamka uu hadda ku sugan yahay gurigiisa oo uu kusoo kabanayo.

Waxa uu intaas ku daray in qofka weerarka gaystay uu halis ku yahay naftiisa iyo tan bulshada Soomaalida.

“Waxaan u baahanahay taageero dheeraad ah oo la siiyo adeegyada caafimaadka maskaxda. Waxaa maanta jira shaqsiyaad badan oo bulshadeena ka mid ah oo baahi daran u qaba in la daweeyo, kuwaasi oo u baahan in la geeyo goobaha lagu daweeyo,” ayuu yidhi. 

Ninka weerarka geystay oo la rumeysan yahay inuu yahay 37 Soomaali ah ayaa la xidhay, balse dacwad-oogayaasha kuma soo oogin wax dacwad ah.

Waxaa dhowr jeer oo hore loogu helay inuu weeraro u geystay. Sanadkii tegay, garsoore ayaa xukumay in ninkan aanu maxkamad soo hor-istaagi karin sababo la xidhiidha caafimaadka maskaxdiisa. 

“Xanuunka maskaxda waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee sababa dambiyada ka dhex dhaca bulshadeena. Haddii aan loo helin taageerada ku habboona, waxaan aaminsannahy inay sii socon doonto inay dhacaan. Qofkan wuxuu halis ku yahay naftiisa iyo bulshada,” ayuu yidhi Jaylani.

Warbaahinta Minnesota ayaan wali shaacin magaca qofka weerarka gaystay maadaama aan weli dacwado lagu soo oogin.

More in focus

To Top