Connect with us

somalilandtoday.com

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliland Oo Maanta Geeriyoodey .

focus

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliland Oo Maanta Geeriyoodey .

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliland Oo Maanta Geeriyoodey .

(SLT-Hargeysa)-Illaahay ha u naxariisto Korneyl Axmed Cilmi Samater oo maanta ku geeriyooday magaaladan hargeysa 7.7.2022 .

Waxaan tacsi u dirayaa xaaskiisii , caruurtiisii , qoyska , iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee somaliland , iyo shacabka .

Korneyl Axmed Cilmi Samater wuxuu soo qabtay jagada taliyaha ciidanka sirdoonka Somaliland xiliigii madaxweyne cigaal .

Wuxuu kaloo soo qabtay jagada taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada jamhuuriyada somaliland xilligii madaxweyne Rayaale .

Muddo dheer ayaanu saaxiib ahayn isaga shaqada ciidanka nabadsugida ka soo bilaabay xamar dowladdii somaliya 1975 oo uu taliye ka soo noqday gobollada mudug iyo nugaal . 1988 wuxuu marxuumku ku biiray jabhaddii SNM .

Axmed Cilmi Samater wuxuu ahaa shakhsi cibaado badan oo af gaabnaa oo dad la dhaqan lahaa.

SAWIRKA : Waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo bilo ka hor mar uu kormeer ku tegay xarunta guud ee ciidanka sirdoonka somaliland ee hargeysa uu salaamayo marxuum korneyl Axmed Cilmi Samater .

Waxa Diyaariyay Saxafi  Axmed Siciid Cige

More in focus

To Top