Connect with us

somalilandtoday.com

Nin 19 Sanno Dambi La’aan Ugu Xidhnaa Talyaaniga Oo Muqdisho Lagu Dilay.

focus

Nin 19 Sanno Dambi La’aan Ugu Xidhnaa Talyaaniga Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Nin 19 Sanno Dambi La’aan Ugu Xidhnaa Talyaaniga Oo Muqdisho Lagu Dilay.

(SLT-Muqdisho)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Miino oo gaadhigiisa loogu xidhay uu ku dhintay Xaashi Cumar Xasan oo ku magac dheer (Xaashi Food), kaasoo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga oo uu ku xidhnaa muddo ku dhow 20 sanno.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobta ku geeriyoosay, xilli uu ka sii baxayay hoygiisa.

Marxuumka ayaa bishii October sannadkii 2016-kii laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sannadkii 1994-kii loogu geystay gabadh wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday.

Gabadha wariyaha aheyd ayaa Soomaaliya u tagtay si ay ugu sameeyaan baadhitaano eedeymaha sheegaya, in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen hadhaaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey dad loogu yeedhay hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya horaantii sagaashameeyadii.

Iyadoo Maxkamadda Magaalada Rome ugu dambeyn dambi ku wayday Xaashi Cumar Xasan waxaana ay u xukuntay 3.181 Milyan oo lacagta Europe ah oo magdhaw ahaan loo siiyay.

More in focus

To Top