(SLT-Hargeysa)- Madaxweyne Biixi iyo saaxiibkii Maxamed Kaahin ayaa afar sanno iyo billo kaddib markii ay ku adkaatay xaaladda siyaasadeed, waxay miciin bideen marwadii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, taas oo ay uga maar-mi wayeen maaraynta qaar kamid ah duufaano siyaasadeed ee ku kacay kornayladu.
Marwo aamina weris oo aan fagaarayaasha siyaasaddada iyo kuwa Xisbiga KULMIYE lagu arrag muddo afar sanno ah ayaa u muuqata inay hadda lugaha la soo gashay garoomada siyaasadda,waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi uu u qaylo dhaan dirtay dhammaadkii sannadkii hore,kaddib markii uu Baashe Cawil Xaaji Cumar oo kamid ah qoyskii Madaxweyne Siilaanyo uu iska casiley xil uu saluugay oo uu u magacaabay Madaxweyne Biixi,waxaanu xusid muddan inuu Baashe Cawil uu intaas kadib wadda haddalo uu la furray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, kaas oo u muuqday mid gebi ahaan-ba ka huleelaya Xisbiga KULMIYE, hase-yeeshee Madaxweyne Biixi oo isku arkayey inuu lumiyey xubin mihiim u ahaa ayaa ergo u diray Aamina Waris,taas oo ku guullaysatay inay soo lad-qabayso wiilka ay soddoga u tahay ee Baashe Cawil si uu KULMIYE ugu sii negaado, waanay ku guullaysatay arrintan
Dhanka kalene waxa la sheegay in marwo Aamina waris ay door weyn ka qaadatay dib ugu noqoshadii uu Xisbiga KULMIYE dib ugu soo noqday siyaasi Maxamuud Xaashi ,waxaana la sheegay inay kullamo ay ku soo lad-qabanaysay ay magaalada Dubai kula yeellatay ,kuwaas oo sabab u ahaa inuu siyaasigii weyn ee Maxamuud xaashi uu xisbigii hadhka cad laga saaray ee KULMIYE uu shuruud la’aan ugu soo noqdo.
Geesta kalena Marwo Aamina Waris ayaa dhammaadkii bishii May ee sannadkan 2022-kii mar keliya ka soo muuqatay shir uu Xisbiga KULMIYE ku qabsaday Hargeysa,taas oo ka jeedisay khudbad koobnayd oo u badnayd guubaabo iyo dar-daaran la xidhiidha sidii Xisbiga KULMIYE uu kaadiriintiisa u haysan lahaa iyo in la kasbado siyaasiyiinta kale ee mucaaradka.
Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda mid markii ay xaaladda siyaasadeed ku adkaatay miciin biday Marwo aamina waris oo muddo baddan ku soo jirtay siyaasadda,waxaana la sheegay inay hadda kamid tahay shoofeeradda dhex-fadhiya Madaxtooyadda Somaliland.
Wargeyska Waaberi Media