Connect with us

somalilandtoday.com

Mashruuc Madaxbanaanida Somaliland Khatar Ku Ah, Xogta Muwaadiniinta Reer Somaliland Laga Ururiyo Waxa Loo Diraa Xamar

News

Mashruuc Madaxbanaanida Somaliland Khatar Ku Ah, Xogta Muwaadiniinta Reer Somaliland Laga Ururiyo Waxa Loo Diraa Xamar

Mashruuc Madaxbanaanida Somaliland Khatar Ku Ah, Xogta Muwaadiniinta Reer Somaliland Laga Ururiyo Waxa Loo Diraa Xamar

Somali Integrated household budget survey (SISEPCP) wuxuu ku hoos jiraa mashruuca weyn ee Somali integrated statistics and economic capacity building project (SISEPCBP) oo ka kooban tayeynta iyo horumarinta haayada staatistikada soomaaliya, waaxaha dowlad goboleedada, iyo cilmibaadhista dhaqaalaha iskudhafan ee qoysaska soomaaliyeed. Mashruuca waxaa maalgeliyey World bank waxaana fulinaysa haayada staatistikada Soomaaliya (Somalia national bureau of statistics).

Mashruucan wuxuu kamid yahay mashaariic ay kala saxeexdeen World bank oo soo dhexmariyey( IDA) iyo dowlada federaalka ah ee Somalia ayna kala saxeexdeen wasiirka Maaliyada Beyle iyo Camille Niamale(IDA).

Mashruucan waxa ku baxaya $18.3 Million USD oo si toos ah ugu imanaya World bank ayna maamulasyo Haayada staatistikada Somalia. Mashruuca waxaa la kala saxeexday 9, July, 2020.

Mashruucan waxa laga daahfuray Muqdisho 5 October, 2021 waxaana furay agaasimaha haayada istaatistikada soomaaliya. Waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada wasaaradaha qorshaynta ee dowlad goboleedada iyo kooxda mashruuca la shaqaynaysa oo ka socda World bank.

Mashruucan oo ujeedkiisu yahay ururinta xogta guryaha Somalia wuxuu xooga saarayaa helista ilaha dhaqaale ee qoyska, sida ay u isticmaalaan dhaqaalahooda, tirada ku nool guri kasta, caqabadaha/fursadaha waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhamaan xogaha ku saabsan qoyska. Mashruucan waxa laga fulinayaa 18kii gobol ee Somalia, dhamaan xogta ay ururiyaan shaqaalaha la qaatay waxay toos ugu dhacaysaa xog-kaydiyaha (server) Muqdisho yaala oo ay leedahay haayada istaatistikada Soomaaliya.

Mashruucan waxa Somaliland 12kii, May, 2022 ku dhawaaqay inuu dalka ka bilaabmayo wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo haayada fulinaysa ee Horn of Africa consulting firm (HACOF) oo dhanka Somaliland ay u wakiilatay/dhexmartay haayada istaatistikada soomaaliya. 12 May dhawaaqista mashruuca waxa dhamaaday tijaabadii qalabka, soo ururinta xogta iyo (Piloting) oo laga sameeyey koonayaasha caasimada.

HACOF oo mashruucan ka fulinaysa Somaliland waxa soo dhexmartay haayada istaatistikada Soomaaliya waa haayad xog baadhiseed (research) waxa la aasaasay sanadkii 2012 waxayna ka diiwaangashantahay Somalia iyo Kenya. Waxayna xafiisyo ku leedahay Muqdisho, Dhusamareeb, Garowe, Baydhabo, Kismaanyo, Hargeisa, iyo Nairobi sida aad tixraaca sawirada ku arki kartaan. Xafiiskani wax shaqo macno leh ah hore ugama qaban Somaliland, waxaana dhanka Somaliland madax ka ah qof shaqaale dowladeed ah.

Shaqaalaha mashruuca fulinaya oo  dhan 82 ( sida lagu sheegay boga wasaarada qorshaynta) waxa lagu xayaysiiyey June, 2021 boga Somali Jobs tiro dhan 100 qof oo ka kooban ( Enumerators and supervisors ) waxaana shaacisay haayada HACUF dhamaantoodna waxa laga qaatay gobolka Maroodijeex waxayna xog ururinta ka fulinayaan dalka oodhan. Shaqaalaha mashruucan cilmibaadhista fulinaya ee laga qaatay Maroodijeex waxa tababaray shaqaale ka tirsan Haayada istaatistikada soomaaliya.

Mashruucan oo dowlada Somaliland hore u diiday wakhtigii (Gaafaadhi ahaa wasiirka qorsheynta ) waxa ogolaaday wasiirka iminka xafiiska jooga ee Cumar oo lagu xasuusto wakhtigii uu ahaa wasiirka caafimaadka eedaymihii maamul xumo maaliyadeed ee loo jeediyey sida dhaqaalihii Covid-19.

Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Muuse waxay laabtay qorshaha xukuumadihii ka horeeyey ee ahaa deeqda caalamku siiyo Somalia in qaybteena gaar la inoo siiyo ama inay inaga maqnaadaan. Xukuumadu waxay qaadatay aragti ah inay maalin iyo habeenba warbaahinta ka dhaliisho Somalia laakiin mashaariicda lacagtu ku jirto ay ogolaato inay sida maamul goboleedada u qaadato shacabkana eedayn been ah oo Somalia loo jeediyo iskaga jeediso.

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa inaynu Somalia kala heshiino soo celinta heshiiskii ( Somaliland special arrangement act ) ee deeqaha Somalia la siiyo sideena u maamulanaynay ama in xukuumada Kulmiye shacabka beenta ka deyso oo u sheegno inay ogolaatay maamul goboleedka lixaad ee Somalia.

W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top