Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Duqeeyey Labada Magaalo Ee Ugu Waaweyn Dalka Ukraine

focus

Ruushka Oo Duqeeyey Labada Magaalo Ee Ugu Waaweyn Dalka Ukraine

Ruushka Oo Duqeeyey Labada Magaalo Ee Ugu Waaweyn Dalka Ukraine

(SLT- Kyiv0)-Dawladda Ruushka ayaa weerar cusub oo dhinaca gantaallada ah ku qaadday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka Ukraine; waa magaalada Kyiv ee xarunta dalka iyo magaalada kale ee Kharkiv.Weerarkan ayaa dhacay iyada oo xitaa ay dalalka ku jira ururka G7 ay wadahadal ku lahaayeen Bavarain Alps si ay iskula meel dhigaan sidii ay Ruushka u sii go’doomin lahaayeen.

Maayirka magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in ugu yaraan labo dhisme oo ah kuwa la deggan yahay la duqeeyey, halkaas oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacantay.

Ruushka ayaa xoojiyey adeegsigiisa gantaalada cruise-ka, isaga oo beegsanaya ilaa woqooyi-galbeed Ukraine. Qalabka digniinta ayaa ka dhawaaqay dhowr magaalo.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo arrintan ka hadlayey ayaa yidhi “Waa wuxuushnimadoodii oo sii korodhay.”

Weerarka Ruushka ee Ukraine ayaa ah arrinta ugu weyn ee shir-madaxeedka dalalka G7 culeyska lagu saarayo. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Sabtidii sheegay in shirka uu Isniinta maanta ah ka qeyb gali doono.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa iyo dalalka kale ee G7 xubnaha ka ah ay joojin doonaan inay soo dhoofsadaan dahabka Ruushka. Waa cunaqabateyn tii u dambeysay ee Ruushka la saaro ka dib dagaalkii uu ku qaaday Urkaine, kaas oo galay bishiisii shanaad.

More in focus

To Top