Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay laga helay xannuunka COVID-19

focus

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay laga helay xannuunka COVID-19

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay laga helay xannuunka COVID-19

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laga helay xanuunka COVID-19 qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxana uu ku sheegay in aanu dareemeyn calaamado kale oo caafimaad darro ah, isla markaana uu sii wadi doono shaqada uu u hayo qaranka iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu is-karantiilay, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska ilaaliyaan xanuunkaa, isla markaana raacaaan tilmaamaha caafimaadka dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa maanta kusoo laabtay dalka Soomaaliya, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Imaaraadka Carabta, wuxuuna xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.

Waxaanu yidhi sida tan: “Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.


Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.


Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna.


Allaa mahad leh.”

More in focus

To Top